Wasiir kuxigeenka Gaadiidka cirka iyo dhulka Maamulka Galmudug C/samad Yuusuf Cilmi ayaa sheegay in maalmo ka hor uu ka bad baaday isku day dil, xilli kooxo hubeysan oo gaari wadatay ay ku weerareen magaalada Muqdisho.
C/samad ayaa sheegay in kooxaha hubeysan oo watay dareys ciidan ay gaari ay wateen ku hor-gooyeen gaarigiisa, isla markaana rasaas ooda uga qaadeen.
“Anigoo marayay degmada Waabari ayaa gaari niman hubeysan oo dhar ciidan xirnaa wateen ayaa waxay ku hor-gooyeen gaarigii aan watay, durbadiiba gaariga waa ka booday, rasaas ayay igu soo rideen, alle waa iga bad baadiyay”ayuu yiri C/samad oo ku sugan Cadaado.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in wax yar kadib uu u cararay goob ay ku sugnaayeen ciidamo, markii dambena ay baxsadeen kooxdii hubeysneyd ee weerarka ku soo qaaday.
Waxaa uu sheegay in uusan garan karin cida ay ahaayeen, balse uu u maleynayo inay yihiin kooxihii Muqdisho wax ku dili jirtay, waxa loo beegsanayay ay tahay xilka uu haayo sida uu yiri.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay kooxo hubeysan oo weeraro ku fulinayay gaadiid, iyadoo lagu dilay weerarada noocaas oo loo yaqaano (Drive By Shooting) Xildhibaano, saraakiil iyo dad kale.