Wasiirka Amniga Xukuumadda Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay Qaraxii koowaad ee xalay ka dhacay goob Koontarool ah oo ciidanka NISA ay gaadiidka ku baaraan, kaasi oo kaabiga ku haya Hotelka SYL inuu ahaa mid aad u culus.
Baaritaan ay sameeyeen ciidamada Miino Baarista Booliska Somaliyed oo kaashanaya Saraakiil cadaan ah, ayaa lagu ogaaday inuu Qaraxaasi ahaa mid lagu qiyaasay 200KG, marka loo eego baaxada qaraxa iyo saameynta uu reebay.
“Qaraxaasi Baaritaan ay sameeyeen ciidamada Booliska ee Qaraxyada qaabilsan iyo Hay’adaha kale ee taageeraya ee caalamka ee ka howlgala Muqdisho waxa ay sheegeen in Qaraxaasi uu ahaa mid aad u fara badan oo 200KG ahaa, waad fahmi kartaa Qaraxii Hotel Jazeera wuxuu ahaa 150KG midkaana ayaana ka weynaa.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Somaliya.
Marka loo eego Baaxada Qaraxa iyo dhawaqa sida looga maqlay Magaalada Muqdisho iyo duleedyada, dadka waxa ay sheegeen inaysan waligood maqlin qarax noocaan oo kale ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo la wada xusuusto dhacdooyin badan oo Qaraxyo ah oo Muqdisho ka dhacay.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa tilmaamay Khasaaraha ugu badan inuu ka dhashay Qaraxa koowaad oo ciidankii ku sugnaa Koontaroolka ay ku dhinteen, maadaama markii ay celiyeen Gaariga uu qarxay, halkaasina lagu dhintay.
Taliyaha Ururka Gorgor ee ciidanka NISA C/xareed ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi, kadib markii Hotelka gudihiisa uu ka difaacay raggii hubaysnaa ee isku dayaayay inay gudaha u galaan Hotelka oo labo ka mid ah uu toogtay.
Wasiir C/risaaq wuxuu sheegay inay socdaan Baaritaanka la xiriira Qaraxaasi, Khasaaraha ka dhashay oo rasmi ahna dib ay ka faah-faahin doonaan.