Xilli ciidamada ammaanka Somaliya ay ku guuleysteen soo afjarida weerarkii qorsheysnaa ee Kooxda Shabaab ay ku soo qaaday Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho, ayaa masuuliyiinta dhanka ammaanka oo gaaray goobta Hotelka waxa ay ka hadleen weerarka.
Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha, C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir iyo Taliyaha NISA C/raxmaan Tuur yare oo tagay goobta ayaa saxaafadda sharaxaad ka siiyay weerarka iyo sida uu ku dhacay.
Madaxda waxa ay sheegeen ragga soo weeraray Hotelka inay gaarayeen ilaa Afar ruux oo mid ka mid ah uu isku qarxiyay gaarigii albaabka lagu dhuftay, halka saddexda kalena Hotelka ay galeen.
Ciidamada ammaanka ayeey sheegeen inay wada toogteen saddexdaasi oo labo ka mid ah waqti badan ay dagaalamayeen sida Masuuliyiintaan ay Saxaafadda u sheegeen.
Wasiirka Amniga Somaliya ayaa u mahadceliyay ciidamada Gaashaan sida ay u soo afjareen Weerarka Shabaabka ay soo qaadeen iyo qaabka ay u toogteen saddexda Dhagar qabe ee Shabaab ka tirsanaa.
Taliyaha Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegay tani inay muujinayso fashilka soo food saaray Kooxda Shabaab oo looga guuleystay dagaaladii ay kula jireen Dowladda Somaliya.
Wasiirka Amniga ayaa amray Dowladda hoose ee Muqdisho inay nadiifiyaan wadada si wadadaasi dib loogu soo celiyo isu socodkii dadka iyo gaadiidka.
Ciidamada Gaashaan ayaa weli ku sugan Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho.
Waalidiinta ayaa loo fasaxay Hotelka , maadaama meydad laga soo saaray Hotelka, waxaana jira dad badan oo caruurtooda ay ka maqan yihiin oo baadigoob ugu jira.




