Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya, General C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa waxa uu ka hadlay doorka Ciidamada Itoobiya ee Somaliya, xilli la sheegay inay jiraan ciidan Itoobiyaan ah, oo aan ka amar qaadan Taliska Amisom in ay dalka jooggaan.
Taliyaha Qaybta Afaraad Ee Ciidanka Midowga Afrika, Korneyl C/raxmaan Cabdi Dhimbil, ayaa sheegay inay jiraan ciidan Itoobiyan ah oo aan ka tirsanayn Amisom, kana amar qaadan Taliska Amisom. Taliyaha waxa uu Dowladda Somaliya ugu baaqay inay cadayso doorka Ciidanka Itoobiya ee Somaliya, ka dib markii ay ka baxeen Deegaanka Halgan Ee Gobolka Hiiraan, xilli bilowgii bishan uun lagala wareegay Al Shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, ayaa sheegay marka laga hadlaayo hawlgalada Ciidamada inay ka duwan tahay sida caadiga ah ee xaaladaha kale loo qiimeeyo, isla-markaana ay meel uga bixi karayan arrimo farsamo ama hab taatiko.
Wasiirka oo difaacay Ciidamada Itoobiya, ayaa sheegay inaanan hawlgaladoodu lagu qiimayn karin meelaha ay ka baxayan, maadaama sida uu sheegay uu hawlgalada Ciidamada ku dhisan hab farsamo iyo xeelad dagaal oo ka dhan ah dhinacyada dagaalka lagula jiro.
Sidoo kale waxa uu soo hadalqaaday Ciidamada Dowladda iyo Amisom inay wada shaqayn la lee yihiin dalalka deriska, iyagoo iska wada kaashanaaya dagaalka lagula jiro Shabaabka hubeysan ee Somaliya ka dagaalamaaya.
Ciidamada Itoobiya ee Amisom ka tirsan, ayuu cadeeyay haddii ay gurmad uga baahdaan Ciidamada kale ee Itoobiya, balse aan Amisom ka tirsanayn ay weydiisan karayan, isagoona sababta ku sheegay inay yihiin ciidan is yaqaana oo hal dal ka wada tirsan, iyadoona uu hadafku yahay in leeska kaashado uun dagaalka nabadiidka, sida uu yiri.
Wasiir Diini oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA, oo la weydiiyay inuu ogyahay ciidan Itoobiyaan ah oo aan Amisom ka amar qaadan inay jiraan iyo in kale, ayuu ka leex leexday jawaabta, balse wuxuu u celceliyay inay jiraan ciidan Itoobiyan ah oo caawiya Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah Amisom.
Su’aal ahayd in lagu soo wargeliyay ka bixista Ciidanka Itoobiya ee Deegaanka Halgan iyo inay ka warqabto Dowladda Somaliya, ayuu xaqiijiyay inay Ciidanku soo gaarsiiyen ka bixistooda Halgan, balse wuxuu sheegay inaysan wax Madaxda Sare u taal ahayn dhaq dhaqaaqyada Ciidamada, oo taasi ay tahay shaqo u taala Saraakiisha ku sugan goobaha laga baxaayo amaba dhaq dhaqaaqyada laga samaynaayo.