Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya, General C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerar culus inay Shabaabku ku galeen Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka wuxuu ku nuux-nuuxsaday Shabaabku inay yihiin kuwo ku mashquulsan wax kasta oo ay dhibaato ugu gaysan karayan Ciidamada Dowladda Somaliya & Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, isla-markaana ay Ciidamada Huwanta diyaar u yihiin inay iska caabiyan.
Wasiirka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa ka gaabsaday khasaaraha weerarkaasi ka soo gaaray Ciidamada Amisom, balse wuxuu qiray in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Wasiirka waxa uu ku sheegay inay dib ka soo faah faahin doonaan khasaaraha guud ee Xoogaga Nabad Ilaalinta ka soo gaaray weerarkaasi, oo ahaa mid lagu soo beegay maalintii la dilay Amiirkii hore ee Ururka Al Shabaab, Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), laakiin Ururka dhexdiisa looga yeeri jiray Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr.
General C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa intaa ku daray in hadda Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ay ku sugan yihiin Degmada Janaale. Ciidamada waxay diyaar u yihiin buu yiri sidii looga hortaggi lahaa nimankan.
Dhinaca kale Ciidamada Huwanta oo dib ugu laabtay Degmada Janaale, ayaa Degmadaasi geliyay xaalad bandow ah, waxaana jirin wax dhaq dhaqaaq ah oo ka jira Degmadaasi.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Janaale, ayaa sheegay Ciidamada Dowladda oo keliya inay roondo ka wadaan Degmada, halka Amisom ay ku sugan tahay fariisimo gaar ah.