Nala soo xiriir

Dhegeysi

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka xooga dalka oo booqday Garoonka Bali-doogle(Daawo Sawirada)

La Qoray

on

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Cirka iyo saraakiil kale ayaa maanta booqasho ku tagey Garoonka diyaaradaha ee Bali-doogle,

halkaas oo fariisin u ah Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, wafdiga Wasiirka iyo Taliyeyaasha ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab, iyagoona warbixino ka dhageystay Saraakiisha Xoogga dalka ee halkaas ku sugan.
Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay ujeedka ay maanta u soo gaareen Ballidoogle in ay tahay sidii loogu kuurgeli lahaa baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidamadda Xoogga dalka ee halkaas ku sugan, isagoo xusay Ciidanka Danab oo ka tirsan X.D.S in ay halkaas ku qaateen tababar heerkiisu sareeyo, haddana ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada difaaca dalkooda hooyo.

“Waan idin ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee aad cadowga u jebiseen. Naftiina ayaad u hurteen in aad waddanka difaacdaan, sharaftiisana aad soo celisaan. Dowladda iyo shacabkana intaas way idin og yihiin, waxaadna ku jirtaan halgan muddo socday hadana socda oo dalkan looga sifeynayo cadowga kusoo duulay ee Al-shabaab” ayuu yiri Wasiir Diini oo dhinaca kale ku ammaanay saraakiisha hoggaaminaysa Ciidanka deegaanadan ku sugan sida ay ugu dhabar adaygeen dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa kula dar-daarmay ciidamaddii kala duwanaa ee uu booqday in ay mar walba dantooda ka horumariyaan mida qaran si loo xaqiijiyo hadafka iyo macnaha uu leeyahay Askarigu. Wuxuna hoosta ka xariiqay Taliska Cusub ee Ciidamadda Xoogga dalku hadda wixii ka danbeeya uu mar walba isha ku hayn doono baahida iyo arrimaha gaarka ah ee ay u baahan yihiin Ciidanku“.

“Waxaan diyaar u nahay in aan baahidiina haqabtirto, taasina waa waajib ina saaran. Geesiyaashii ku dhintey goobaha dagaalka waxaan caddeynayaa in carruurtooda daryeelka ay xaqa u leeyihiin la siin doono. Waxaa aad ii farxad geliyey markii ay indhahaygu qabteen geesiyaashii Danab oo dib loosoo carbiyey hadana u diyaarsan difaaca dalkooda, tanina waa guul kale oo nagu dhiirigelinaysa inaga oo kaashanayna saaxiibadeena Caalamka in aan xoojino dhismaha Ciidan leh awood iyo hufnaan sare’’ayuu yiri S/G Maxamed Aaden.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay raadadkii dagaalada sokeeye weli in ay ka muuqanayaan Garoonka Balidoogle, isagoo tilmaamau in madaxda sare ee qarankana ay la wadaagi doonaan xaaladda ka jirta garoonka si deg-deg wax looga qabto.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidamadda Cirka Maxamuud Sheekh Cali “Dable Baylood” ayaa xusay in hay’ado gaar ah ay dhismayaal ka wadaan Garoonka Balidoogle ee Ciidanka Cirka kuwaas oo fasax aan u haysan in ay xarumo ka sameystaan, wuxuna ku baaqay in la ilaaliyo sumcadda iyo sharafta Ciidanka Cirka cid walba oo Garoonka dhisme sharci darro ah ka wadana sharciga lala tiigsan doono.

Diini1

Diini2

Diini3

Diini4

Diini5

Diini6

Diini7

Diini8

Diini9

Diini11

Diini91

Diini92

Diini93

Diini94

Diini95

Diini96

Diini97

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Barnaamijyada

Dhageyso:- Barnaamijka Barqo-Wanaagsan Starfm 22.mar.2021

La Qoray

on

Waxaa Qoray

TABINTA IYO SOOSAARIDDA BARNAMIJKA (CALI MAXAMED CALI )

FARSAMADDA (MOWLIID AHMED NUUR).

sii aqri

Barnaamijyada

Dhageysi:-Barnaamijka Saaka Iyo StarFm 22.Mar.2021.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

TABINTA IYO SOOSAARIDDA BARNAMIJKA (CABDI RAXMAAN MUKHTAAR)

FARSAMADDA (MOWLIID AHMED NUUR).

sii aqri

Ciyaaraha

Dhageysi:-Barnaamijka Ciyaaraha StarFm 21.Mar.2021.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

TABINTA IYO SOOSAARIDDA BARNAMIJKA (QOOR )

FARSAMADDA (Mowliid Axmed Nuur ).

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka2 days ago

Lafta-Gareen Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed.

Wararka2 days ago

Madaxweyne Deni oo hortagayo Baarlamaanka Puntland.

News In English2 days ago

President Farmajo signs two-year extension approved by Parliament.

Wararka3 days ago

Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Inta U Dhexeysa Balcad Iyo Jowhar

Wararka3 days ago

Tallaalka SINOPHARM Ee COVID-19 Oo si Rasmi ah Maaanta Loogu Daah furtay Muqdisho.

Wararka3 days ago

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga muddo kordhinta ee Baarlamaanka ansixiyeen.

Wararka3 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Saadaq Joon Ka Xayuubiyay Dhammaan Darajadii Ciidan.

Wararka3 days ago

Madasha Badbaado Qaran Oo Shaacisay Inay Qaadeyso Tallaabo Lagu Joojinayo Muddo Kordhinta.

News In English3 weeks ago

Somali Police Chief Meets British Ambassador To Somalia.

Wararka3 weeks ago

Shirkii Baarlamaanka Maanta Oo Fowdo ku Soo Dhamaaday.

Wararka3 weeks ago

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Shir Gaar Ah Goor Dhow U Furmay Muqdisho.

Wararka3 weeks ago

Tallaalka Covid19 Oo Kabilaawaday Maamulka Puntland.

Wararka3 weeks ago

Dowladda Ingiriiska Oo Ka Digtay Doorasho Hal Dhinac Iyo Muddo Kororsi

Wararka3 weeks ago

AMISOM Oo Ka Guuray Degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeelada Hoose(SAWIRRO)

Wararka3 weeks ago

Wasiirkii Amniga Jubaland oo lagu soo Dhaweeyay Degmada Beled-Xaawo.

Wararka3 weeks ago

Beesha Caalamka Oo Shaacisay In Aysan Taageeri Doonin Doorasho Hal Dhinac Ah.

Wararka3 weeks ago

Khasaaro Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Gaari Ay Saarnaayen Dad Shacab Ah

Wararka3 weeks ago

Qodobada ay Ku Heshiiyeen Cabdirashiid Janan & Dowladda Soomaaliya oo la Doo Bandhigay

Wararka3 weeks ago

Wafdi Wasiiro Ah Oo Ka Socda Dowladda Federaalka Oo Gaaray Doolow.

Wararka3 weeks ago

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliyeed oo ku sii jeeda Gedo

Wararka3 weeks ago

Cabdirashiid Janan Oo Xaqiijiyay in uu la Heshiiyay Dowladda Soomaaliya.

Wararka3 weeks ago

Weerar Askar lagu Dilay oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka3 weeks ago

Midowga Yurub Oo Farriin u Diray Hoggaamiyeyaasha Siyaasada Soomaalida.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi5 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka3 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English3 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English3 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English3 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada3 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada3 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco