Nala soo xiriir

Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhoweeyay ansixinta sharciga Iibka Qaranka

La Qoray

on

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti ayaa soo dhaweeyey ansixinta Sharciga Iibka Qaranka (procurement Bill) oo Xildhibaanada Baarlamanka anxisyeen sabtidii la soo dhaafay, isagoo ku tilmaamay tallaabo horumar u keenaysa daafurnaa iyo taaba galinta sharciyada asaaska u ah dalka.

“Ansixinta Sharciga Iibka Qaranka waxaan sugaynay mudo dheer, waana qayb ka mid ah guulaha la gaaray sanadkaan. Sharcigaan isagoo aan goluhu ansixin kuna jira akhrintii kowaad iyo kii labaad ayaan bilownay ku dhaqankiisa qaybo kamid ah, waxaa xusid mudan in qandaraasyada la bixiyey sanadkaan ay dhamaantood mareen (Procurement) taas oo muujinaysa in la gaaray xiligii aan ku dhaqmi lahayn cadaaladda dhanka qandarsayada. Qandaraasyadaas aan bixinay qaarkood waxaa ku guulaystay iyadoo cidna aysan riixayn ama aysan taageero u fidinaynin shirkado shisheeye oo ku soo baxay aqoontooda iyo khibradooda shaqo” ayuu yiri wasiir Farkeeti.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradu ay howl galisay waax gooni ah oo ka shaqaysay Iibka Qaranka, taas oo in mudo ah ay ku socotay tababarid shaqaale iyo qalabayn xafiis, waxaana gacan weyn ka gaystay khubaro ka socota Bangiga Aduunka oo kala shaqaysay Wasaaradda sidii waaxdaas u howl gali lahayd. Wasiirka ayaa sheegay in ay bilaabayaan wacyi galin ku wajan Iibka qaranka si dadka Soomaaliyeed loo baro ahmiyad uu sharcigaan dalka u leeyahay.

“Waxaa Ilaahay Mahadiis ah in manta Wasaaradu wixii qalab lagu soo gadayo, ama wax lagu dhisayo ama shaqooyin kale oo daruuri ah lagu qabanayo loo soo bandhigo shacabka, taas oo meesha ka saartay nin jeclaysigii iyo eexdii. Waxaa kale oo maanta guul ah in dhamaad shirkadaha xariirka la leh Hay’adaha kala duwan ee dowaladda ay si toos ah ula macaamilaan Wasaaradda Maaliyadda marka ay timaado lacag bixinta” ayuu yir mar kale wasiir Farkeeti.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda oo adeegsanaysa aqoonteeda shaqo iyo khubarada la shaqaysa ay diyaar u tahay ka qayb qaadashada dhisida waaxyaha Iibka Qaranka (procurement) ee wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, si wixii la soo gadayo iyo wixii la sii gadayo intaba ay maraan qaab ku dhisan daah furnaan iyo isla xisaabtan,

Fa’iidoyinka Sharcigaan u leeyahay dalka waxaa ka mid ah:

Kor u qaadida dhaqaalaha, hufnaanta iibsiga iyo helitaanka qiimaha ugu wanaagsan ee dadweynaha wax looga soo gadan karo.
Dhiirigalinta horumarinta dhaqaalaha dalka;
Kor u qaadista sharafta, cadaaladda, la xisaabtanka iyo kalsoonida shacabka ee wax ku soo iibsiga;
In la gaaro nidaam ay ku dheehan tahay daah furnaan, iyo go’aanada la xiriira heshiisyada iibsiga iyo lacag dhimista.
fur-furida iibsiga dadweynaha iyo wax soo iibsashada hay’adaha dowladda;
Ciribtirka in cid gooni ah ay xirato qaabka wax soo iibinta iyo kor u qaadida tartan ku dhisan habka lacag dhimista iibsigu.
Sharcigan ayaa dalka ugu dambaysay 26 sano ka hor, wuxuuna wax weyn ku soo kordhinayaa dib u dhiska dalka iyo kalsoonida deeq bixiyaasha caalamka, wuxuuna meesha ka saarayaa dhaqankii ku salaysnaa nin jeclaysiga iyo eexda marka ay timaado in wax la dhiso, waxa la soo gado ama dowladu iska iibiso wax aysan u baahnayn.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Maamulka Magaalada Marka & Taliska AMISOM oo ka shiray la dagaalanka Al-Shabaab

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Guddoomiyaha Maamulka Magalada Marka ahna gudoomiyaha gudiga amniga gobolka Shabellaha Hoose Cabdulalahi Cali Axmed Waafow ayaa shir la qaatey Saraakiisha ugu sareyso Ciidanka AMISOM ee degaanka  lambar  konton iyo Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa si wadajir u shir gudoomiyeen Gudoomiyaha iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca Ugandha ee UPDF ee degaankaas Maj Godfrey rwija ayaa waxaa diirada lagu saaray Amniga Magaalada Marka iyo degaannada kale.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha Ciidanka dowladda oo isugu jiray horinta gurmadka 14 Octoober, Saraakiil Ciidanka Gor-gor ku socotay iyo Saraakiisha Ciidanka ilaalada degaanka

Inta shirka uu socdey ayaa waxaa inta badan looga hadley xaalada amni degaanka sidii wax looga qaban lahaa iyo Sidii loo fulin lahaa howlgallo ka dhan ah Uturka Al-Shabaab.

Gudoomiye Waafow iyo Taliye Rwija ayaa Saraakiisha Ciidanka dowladda ka dhageysteen xogaha amni ee ay haayaan iyo taatikooyinka loo dajin karo howlgallada la fulin doono.

Maj Godfrey rwija ayaa Ciidanka kula dardaarmey kala danbeynta iyo u dhimashada Qarannimadooda Soomaaliya iyo sido kale sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiyaha Maamulka Magalada Marka Ahna Gudoomiyaha gudiga amniga gobolka Shebellaha hoose Cabdulalahi Cali Axmed Waafow ayaa ugu danbeyn sheegey in isku xirnaan hadii lagu dadaali waayo ay dhacayso tafaraaruq iyo in ummadii amnigooda la kafaalo qaadey lagu fashilmi karo masuuliyadaas.

Magaalada Marka iyo degaannada hoostaga ayaa waxaa mararka qaa lr ka dhaca weeraro iyo qaraxyo lala beegsado Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

 

sii aqri

Wararka

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Muqdisho

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in dhinacyadii Maanta ku dagaalamay magaalada Muqdisho ay ahaayeen laba maleeshiyo beeleed oo isku qabsaday dhul ku yaal agagaarka Isgoyska Banaadir.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Goobta lagu dagaalamay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ku baxeen dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena dhulka lagu dagaalamay ay dacwadiisa taallo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay Ciidamada Booliska gacanta ku hayaan dhulkii lagu dagaalamay, si loo sugo amniga dadweynaha iyo goobaha Ganacsiga.

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed faah faahin rasmi ah kama bixin khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay dagaalka, waxaana dib u billowday isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

sii aqri

Wararka

Iska Horimaad Saakay Ka Dhacay Degmada Hodan.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Khasaaro Nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa ka dhashay dagaal Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isugu jira Booliska Haramcad iyo Millateri Maanta ku dhex-maray agagaarka Isgoyska Banaadir iyo wadooyinka ku hareereeysan.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu salka ku haayay dhul ku yaalla agagaarka isgoyska Jowhara oo labada dhinac ee dagaalamay  mid kamid ah ay doonayeen inay dhistaan, balse dhinaca kale ay kasoo horjeesteen, isla markaana la isku heysto dhulkaas.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in dhaawacu uu gaarayo ilaa Shan Ruux oo kala ah, Taliyaha Ciidanka Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi  Fanax, Taliye kuxigeenka Saldhiga Booliska Dharkeenleey Cabdi Malaaq.

Sidoo kale waxaa jira khasaaro hantiyadeed oo ka dhashay dagaalka kadib markii rasaasta ay isweey daarsanayeen labada Ciidan ee dagaalamay ay ku dhacday goobo ganacsi, waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in Goobo Ganacsi ay burbureen.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in halka uu dagaalka ka dhacay uu tegay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, isla markaana uu geeyay Ciidamo goobihii lagu dagaalamay.

Wararka na soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada haatan ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Gaadiidka oo markii hore istaagay ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka3 days ago

Maamulka Magaalada Marka & Taliska AMISOM oo ka shiray la dagaalanka Al-Shabaab

Wararka3 days ago

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Muqdisho

Wararka3 days ago

Iska Horimaad Saakay Ka Dhacay Degmada Hodan.

Wararka3 days ago

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Oo Laga Dalbaday Soo Gudbinta Liiska Xildhibaanada Aqalka Sare.

Wararka3 days ago

Rooble Oo Kulan Laqaatay Safiirka Cusub Ee Midowga Yurub.

Wararka3 days ago

Guddoomiye Barlamaanka Oo Maanta kulan la Qaatay Safiirka cusub ee Sweden.

Wararka3 days ago

Maalintii Labaad Oo Lagu Wada in Ay Ka Qabsoonto Doorshada Magaalada Jowhar.

Wararka3 days ago

Turkiga Oo Ka Hadlay Qaraxii Ka Dhacay Magaalada Muqisho.

Wararka3 days ago

Rooble Oo Ka Jawaabay Gudigii Uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Wararka3 days ago

Muuse Suudi Oo Mar Kale loo Doortay Senator Aqalka Sare Ee Hirshabeele Matala.

Wararka4 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Waraaqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Sweden(Sawirro).

Wararka5 days ago

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Oo Maanta Ka Bilaawanaysa Magaalada Jowhar.

Wararka5 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Gudi U Magacaabay Kiiskii Ikraan Tahliil.

Wararka6 days ago

Maxamed Xuseen Rooble Oo Qaabilay Wafdi Ka Socday QM

Wararka6 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Wafdi Ka Socdo Qaramada Midoobey.

Wararka6 days ago

Ciidanka Xooga Dalka Ee DANAB Oo Degaano kala Wareegay Al-Shabaab.

Wararka6 days ago

Dad Loosoo Qabqabtay Dilkii Lixdhibaankii Deegaanka Laascaanood.

Wararka7 days ago

Xubin Ka Mid Ah Maamulka Laascaanood Oo Xalay La Dilay.

Wararka7 days ago

Wararkii ugu Danbeeyey Shirkii Rooble iyo Farmaajo.

Wararka1 week ago

Taliska Ciidanka xoogga oo soo bandhigay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Wararka1 week ago

taliyaasha ciidamada qalabka sida oo kulan ku yeeshay magalada muqdisho

Video1 week ago

madax weenihii hore somaliya oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble & kiiska Ikraan Tahliil.

Wararka1 week ago

Madaxweynaha Uganda oo sheegay in uu Ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco