Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soo-Cadde ayaa sheegay inay ka saareen dagaalyahanadii Shabaabka ahaa ee ku sugnaa Togga Suuj, halkaasoo afartii maalmood ee la soo dhaafay uu dagaal adag ka socday.
Wasiir Soo-Cadde ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan maxaabiis aanu tiradooda sheegin, isagoo xusay inay dhowaan soo bandhigayaan.
“Maxaabiis baa laga qabtay, ciidamada gacanta ayay ku hayaan, waana soo bandhigeynaa, waxaa rabaa inaa idin sheego in Togga Suuj aan ka saarnay, waliba meydkooda loogu tagay, intii kalena waa firxadeen”ayuu yiri Wasiir Soo-Cadde.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay jiraan dagalayahano kale oo meel gaar ah aaday, balse waxaa uu ugu baaqay dadka deegaanka inay soo sheegaan cidii aragta sida uu yiri.
“Waxyeelada la gaarsiiyay iyo meelaha laga xoreeyay waa soo bandhigeynaa, waliba godkii laga saaray”ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiir Soo-Cadde.
Ma jirto war ka madax banaan sheegashada Wasiirka, sidoo kale ma jirto wax war ah oo illaa iyo hada ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalada.
Dhinaca kale dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay wali ku sugan yihiin deegaanka Kulub oo duleed ka xiga degmada Garacad, waxaana wali aaggaas laga soo sheegayaa in dhaq dhaqaaqyo ciidan ka jiraan.