War goor dhow naga soo gaaray magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqeen inay iska casileen xilalkooda.
Sida ay sheegayaan wararka Wasiirada is casilay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka mid ah Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.
Labada Wasiir oo saxaafada la hadlay ayaa xaqiijiyay inay iska casileen xilalkooda, waxaana Xirsi Cali Xaaji Xasan uu u mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland mudadii ay soo wada shaqeeyeen, isagoo ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo sababta uu isku casilay.
Hase ahaatee Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in is casilaadiisa ay salka ku heyso, markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka baxay balan ay horay u wada galeen oo ahaa inuu dhex dhexaad ka noqdo musharaxnimada Xisbiga Kulmiye, isla markaana uu isaga yahay musharax Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye
Dhinaca kale waxaa iyana ku dhawaaqay inay is casileen Wasiirka Shaqada iyo Wasiirka Cadaaladda Dr Cabdi Aw-Daahir iyo Xuseen Axmed Ceydiid.
Waxaa kaloo is casilay Wasiir kuxigeeno iyo Afhayeenka Madaxtooyada, waxaana is casilaadan wasiirada iyo mas’uuliyiinta ay salka ku heysaa khilaafka soo kala dhex galay Xisbiga Kulmiye.
Xisbiga Kulmiye ayaa waxaa ka dhex bilowday khilaaf iyo loolan ku saabsan cida musharaxa Madaxweyne u noqoneyso, waxaana 10 bisha November ka dhici doona Hargeysa shirka Golaha Dhexe, kaasoo Xisbiga ku dooran doono musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha sanadka 2017.