Wasiiru dowlaha Maaliyada C/llaahi Maxamed Nuur ayaa goor dhow ku guuleystay kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Harti Abgaal/Agoonyar, kaddib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Jowhar.
Doorashada Kursiga oo ahaa mid aad u xiiso lahaa, ayaa waxaa ku tartamayay illaa afar Musharax oo kala ahaa C/llaahi Maxamed Nuur, Bashiir Caddow Calasow, Salaad Cali Jeelle iyo Dahir Dayax.
C/llaahi Maxamed Nuur ayaa helay 28 cod, isagoo sidaas ku helay cododkii uu u baahnaa wareega hore si uu ugu guuleysto, sidoo kale Bashiir Caddow Calasow oo difaacanayay kursigan ayaa helay 21 cod, halka Salaad Cali Jeelle iyo Dahir Dayax ay heleen min hal cod.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, iyagoo sheegay in C/llaahi Maxamed Nuur uu helay kala bar cododkii 51 ergo ee dooranayay.
Dhinaca kale waxaa goor dhow bilaabatay codeynta doorashada Kursiga Beesha Harti abgaal Owbakar, waxaana ku tartamaya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Cumar Shariif iyo kuwa kale, waxaana kursigan uu yahay mid aad isha loogu haayo.
Waxaa xusid mudan in haweenkii u tartamayay labadan kursi laga saaray Tartankan,.
La soco wixii warar ee ku soo kordha