Iyadoo maalinta berito ah Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose uu ka furmaayo Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee looga hadlaayo Doorasho Somaliya ka dhaceysa Bartamaha sanadkaan, ayaa maanta oo Axad ah waxaa la filayaa in Magaalada Kismaayo ay gaaraan Wafuud kala duwan.
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo hogaaminaayo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa la filayaa inay tagaan Magalaada Kismaayo, kuwaasi oo ka ambabixi doono Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa la filayaa in Kismaayo ay tagaan isla maanta Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.
Marka ay tagaan masuuliyiintaan Magaalada Kismaayo, ayaa waxa ay yeelan doonaan Shir gaar ah oo gogol xaar u ah Shirka beri ka furmanaayo Magaalada Kismaayo.
Ammaanka Magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaa laga dareemayaa Magaalada Kismaayo qaban qaabada Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Beri ka furmaayo Magaaladaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa shalay ku guuleystay inuu isfagarad dhex dhigo Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo xurguf hoose oo Siyaasadeed ay ka dhaxeysay, kadib kulan shalay Garoonka Muqdisho ka dhacay oo labada Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaarah ay isugu yimaadeen.
Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in go’aan cad oo Doorashada nooca ay tahay ay ka soo baxaan Madaxda Somalida ee ku shiri doonto Magaalada Kismaayo.