Waxaa maanta lagu wadaa Magaalada Muqdisho in lagu soo gaba gabeeyo shirka Madasha Wadatashiga Siyaasada dalka Somaliya, shirkaan oo hareeyay khilaaf soo kala dhexgalay madaxdii ka qaybgalaysay.
Xalay ilaa shalay waxaa socday kulamo kala duwan oo dadaalo ah kuwaasi oo lagu xalinaayay xubnihii shirka ka baxay ee Puntland iyo Jubbaland, inkastoo weli aysan cadeyn natiijooyin cad cad oo la taaban karo oo ku aadan dadaalada la doonaayay in meesha looga saaro Khilaafka shirka ku yimid.
Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa shirka ka baxay, waxa ay aqoonsadeen labo arimood, Puntland waxa ay ka cadheysan tahay Maamulka Galmudug ee ay jaarka yihiin, halka Jubbaland ay ka cadheysan tahay Baarlamaanka imaan doona ee Dowladda dhexe inay soo xulaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira, iyadoo madaxda Dowladda ay arintaasi ka biyo diideen.
Khilaafka shirka hareeyay ayaa sabab u noqday in shirka oo la soo xiri rabay shalay uu dib u dhac ku yimid, waxaana lagu wadaa maanta shirkaan in la soo xiro oo laga soo saaro Warmurtiyeed.
Afhayeenka Xukuumadda C/salaan Axmed Caato, ayaa Warbaahinta u sheegay shirka maanta in la soo xiraayo, islamarkaana laga soo saaraayo Warmurtiyeed ay ku cad yihiin waxyaabihii shirka ka soo baxay.
Madaxtooyada Somaliya waxaa ka socda kulam gaar gaar ah oo ay leeyihiin Madaxda, waxaana suuragal ah madaxda Puntland iyo Jubbaland in shirka dib loogu celiyo, dadaalkaasi waxaa wada xubno Beesha caalamka ka tirsan.
Jubbaland iyo Puntland ayaa waxa ay wadaan Xulafeysi siyaasadeed oo ku aadan ka hor imaanshaha Dowladda aan siyaasada badan laheyn ee Xasan Sheekh uu hogaamiyo.