Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa saaka ku wajahan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha oo qorshaha uu ahaa inuu tago Magaalada Kismaayo shalay ayaa dib u dhac ku yimid, sabab aan ilaa hada la ogaanin, balse masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in maanta Ra’iisul Wasaaraha uu tagaayo Magaalada Kismaayo.
Ujeedada Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu u aadaayo Magaalada Kismaayo, ayaa waxa ay tahay sidii wada hadal uu ula geli lahaa Maamulka Jubbaland ee fadhigiisa uu yahay Kismaayo.
Xukuumadda iyo Maamulka Jubbaland horay waxay u wada galeen heshiis ku aadan arimaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo Guddi loo xil saaray, balse arintaasi waxba kama dhaqan gelin.
Wararka ayaa sheegaya ammaanka Magaalada Kismaayo si weyn loo adkeeyay oo Magaalada laga dareemaayo in la sugaayo Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid.
Maamulka Jubbaland ayaa wax badan ka tabanaya Dowladda Federaalka Somalia, sida masuuliyiinta Maamulkaasi ay horay u sheegeen.
Doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose ee lagu doortay Axmed Madoobe, ayeeysan weli ka hadlin madaxda ugu sareysa dalka.