Kulan ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Sh/dhexe iyo oday dhaqameedyo caanka ka ah gobolka ayaa waxa ay ugaga soo horjeesteen guddigii farsamada ee wasaarada arrimaha gudah aiyo federalka ku dhowaaqday.
Waxgaradka oo ka koobnaa dhammaan qabiilada dega Gobolka Shabelaha ayaa sheegay in aysan u cuntamin gafweyna ay tahay xubnaha lagu tilmaamay in ay ka mid yihiin Gudiga Farsamada maamul u sameynta Hiiraan & Shabelaha Dhexe waxaana ugu baaqeen Wasaarada Arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya in ay raali gelin buuxda ka bixiso isla markaana dib ula noqoto wareegtada.
Oday dhaqameedyadii iyo waxgaradkii kulankan ka soo qeybgalay ayaa laga xusi karaa Suldaan Axmedrashiid Shiikh Shuceyb oo ah suldaanka beelaha Shiidle,Nabadoon Xaaji Maxamuud Maxamed Foolyarey,Nabadoon Nuu Maxamed Geedi(Canjex),Nabadoon Axmed Tifow Gacal,Nabadoon Yaxye,Cadoow Raagge Taakoow & Odayaal kale oo aad u fara badan waxayna ugu baaqeen madaxada dowlada Soomaaliya in ay soo fara geliyaan waxyaabaha aan loo dulqaadan karin ee uu ku dhaqaaqay Wasiirka Arimaha Gudaha.
“Annaga ma nihin qabiil oo waxan nahay duubab Wasiirka arrimaha gudaha iyo federalka waxa uu ku dhowaaqay 24saac gudahood haddii uusan dib ugaga laaban waxaan qaadacaynaa dowlada oo dhan.”ayuu yiri suldaan Axmed Rashiid.
Suldaanka ayaa waxa u ku dhaliilay dowlada inaysan hal ergey xitaa aysan gobolka Sh/dhexe u soo darin balse markii ay maamulada kale dhisayeen lala tashtay duqeyda iyo duubabka shacabka, waxana uu ugu baaqay suldaan Axmed Rashiid Shiikh Shuceyb in si degdeg ah arrintan ay dowlada uga laabato ayna raaligelin ka bixiso.
Nabadoon Maxamed Maxamuud Foolyarey oo isna ka hadlay kulankan ayaa waxa uu ku tilmaamay guddiga farsamada ee wasaarada arrimaha gudaha ku dhowaaqday wax laga naxo waxana uu xusay in ay ku raacsan yihiin Suldaan Axmedrashiid diidmada uu diiday go’aanka ka soo baxay.
Nabadoonadii iyo waxgaradkii kulankan ka hadlay ayaa waxa ay ugu baaqeen wasaarada arrimaha gudaha iyo federalka inay ka laabato go’aanka ay gaartey iyagoo xusay in golaha dhaqanka iyo Nabadgelyada gobolka Sh/dhexe uu ka kooban yahay 33 qabiil oo dega gobolka ayna u cuntamayn xubanaha farakutiriska ah ee gobolka wasaaradu u qoondeysay.
Waxaa ka socda magaalada Jowhar diyaargarow banaanax ballaaran oo loogaga soo horjeedo go’aanka wasaarada arrimaha gudaha iyo federalka ay ku dhowaaqday gelinkii dambe ee shalay kaasoo ay ku soo koobtay 14 xubnood oo kaliya.



