Weerar Ismiidaamin ay ku dhinteen askar Sacuudiyaan iyo dad kale ayaa shalay lagu qaaday masaajid ay ku tukadaan ciidamada ammaanka ee dalka Sucuudiga.
Ugu yaraan 17-qof oo u badnaa Ciidamadii Masjidka ku dukanayay ayaa weerarkaasi ku dhintay , waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay tiro kale oo askar iyo dad shacab ah.
Urur Daacish bahwadaaga la ah, ayuu garabkiis gobolka Xijaas ee dalka Sucuudiga sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi, kaasoo sheegashadiisa soo dhigay boggiisa Twitter-ka.
Qofka isa soo miidaamiyey weerarka ka fuliyey masaajid ku yaalla magaalada Abha oo ku taalla koonfurta dalka Sucuudiga oo u dhow xuduudka uu Sucuudigu la wadaago dalka uu dagaalku ka socdo ee Yaman.
Ururkan ayaa wacday ku maray in uu sii wadi doono weerarada uu ku qaadayo waxa uu ugu yeeray dadka khiyaamadda ku sameeyey dalalka kulaalla gacan Carbeed.
Dowlada Sacuudiga ayaa si kulul u canbaareesay weerarka Ismiidaaminta ah, waxa ayna ku hanjabtay Dowlada in tilaabo adag ka qaadi doonto kooxihii ka dambeeyay, Daacish ayaa marar kala duwan weeraro ismiidaamin ah ka geesatay Dalka Sacuudiga.