Connect with us

Warbixinada

Wiil uu dhalay Bin Laden oo soo saaray farriin hanjabaad ah

Published

on

Wiil uu dhalay Osama bin Laden ayaa soo saaray farriin uu ku baaqayo in weeraro lagu qaado magaalada London iyo wadamo kale oo bahwadaag la ah Maraykanka.

Hamza bin Laden, oo la rumeysan yahay in uu ku jiro da’ada labaataneeyada ayaa la qiyaasayay in uu noqon doono qofka bedelaya Osama bin Laden uuna noqonayo hogaamiyaha ururka Alqaacida.

Fariintan oo la soo mariyay barta Twitterka ayaa waxa uu Hamza ku baaqay in la weeraro Maraykanka iyo wadamo kale sida magaalooyinka Washington,Paris iyo Tel Aviv, hase yeeshee fariintan ayaan lagu soo hadal qaadin ururka Is.

Wiilkan uu dhalay Osama ayaa intii uu noolaa oo idil waxa uu ku dhex jirey dagaalada Jihadiga isagoo ka soo dagaalamay dalka Afghanistan. Waxana hogaamiyaal badan oo Alqaacida ah ay doonayaan in uu noqdo Hamza noqdo hogaamiyaha ururweynaha Alqaacida.

Hamza bin Laden ayaa hogaamiyihii hore ee Alqaacida waxa uu ku baaqay in dagaalada jihaadiga ah laga soo wareejiyo magaalooyinka Kabul, Gaza iyo Baghdad loona wareejiyo magaalooyinka Washington,
Fariintan ayaa la rumeysan yahay in la soo duubay kahor bisha June ee sanadkan balse hadda la soo baahiyay.

Tan iyo markii Osama bin Laden ay ku dileen dalka Pakistan ciidamo Maraykan ah sanadkii 2011kii ayaa kooxda Alqaacida waxaa hogaaminayay Ayman al-Zawahiri kaas oo ahaa gacanta midgeed ee Osama.

Continue Reading
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Balaarinta xubnaha BRICS- Afrika iyo Galbeedka Ma Waxay U Tahay Isku-dheellitir Awoodeed Ama Is-jiidjiid Cusub?

Published

on

W/Q Dr Maxamed Cismaan

Is-balaarinta degdega ah ee wadamada ku midoobay iskaashiga dhaqaalaha ee loo soo gaabsho BRICS ee kala ah Baraasiil, Ruushka, Indiya, Shiinaha, iyo Koonfur Afrika—waxay xoojisay hadal haynta ku saabsan doorka Afrika ee nidaamka cusub ee aduunka. Taariikh ahaan, Afrika oo ah meel ay ku badantahay saameynta  reer galbeedka iyo ka’faaideysigooda kheyraadka qaaradda, ayaa xilligan waxay wajahaysaa xaalad xasaasi ah. Qoraalkan waxaan ku eegi doonaa bal in Qaaradda noqon doonto mid wado cusub u jeexda awoodaha is haya ee reer-galbeedka iyo BRICS ama waxay noqon doontaa goob ay awoodahan ku dagaalamayaan oo ay siku jii-jiidaan?

Qiimaynta taariikhiga ahi waa muhiim si loo fahmo xaaladaha siyaasadeed ee ay soo martay qaaradda. Laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19-naad, qaaraddu waxa ay bartilmaameed u ahayd imbaradooriyadda Yurub, taasi oo si weyn u qaabaysay qaab-dhismeedka dhaqan-siyaasadeed. Wadamada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Maraykanka iyo quwadihii hore ee gumaystaha sida Faransiiska iyo Ingiriiska, ayaa reebay saamayn aan la qiyaasi karin, iyagoo ku soo gabanaya deeqo shisheeye iyo mashaariic horumarineed.

Si ka duwan qaababkii soo jireenka ahaa ee reer galbeedku u wajaheen qaaradda Afrika, waxay u muuqataa in isbahaysiga dhaqaale ee BRICS uu la soo shir-tagayo qaab ay ka marantahay faragelin isla markaana leh sinaan iyo horumar. Iyada oo maalgelin weyn lagu samaynayo kaabayaasha dhaqaalaha , waxbarashada, iyo tignoolajiyada, waddamada BRICS waxay higsanayaan in ay la yeeshaan Afrika xiriir faa’iido leh. In Koonfur Afrika xubin ka tahay BRICS ayaa waxay qaarada Afrika siinaysaa cod miisan leh iyo fursado gaar ah taasi oo u sahlaysa qaarada in ay la jaan qaado horumarka iyo kobaca.

Soo ifbaxa iskaashiga BRICS ayaa dhibaato ku ah wadamada reer galbeedka. Inkastoo weli reer galbeedka si buuxda gacanta ugu hayaan dibloomaasiyadda iyo dhaqaalaha qaaradda, haddana is-balaarinta BRICS waxay halis ku tahay in wax ka badasho dheelitirka awoodda. Kuwa wax naqdiya waxay tilmaamayaa in xiriirka BRICS la mid yahay “diblomaasiyadda dabinka deynta,” gaar ahaan Shiinaha, si ay ugu doodaan in ka-qaybgalka kooxda laga yaabo inaysan u noqon Afrika deeqsinimo sida muuqata.

Cabsida ayaa ah in iyadoo laga yaabo in wadamada BRICS aysan si cad ku xirin shuruudo deeqaha iyo taageerada ay bixinayaan, in haddana ay si hoose u soo rogi karaan xaalado dhaqaale oo wax u dhimaya madax banaanida Afrika. Qaaradda ayaa hadda wajahaysa fursad aan horay loo arag. Dhinac, waxa jira xiriir soo jireen ahaa oo ay qaaraddu la leedahay reer galbeedka, oo ay ka buuxaan taariikh iyo aqoon. Dhanka kale, waxaa jira isbahaysi cusub oo lala yeesho wadamada BRICS kuwaas oo ballan qaadaya koboc dhaqaale oo aan lagu xirin shuruudo siyaasadeed oo cad.

Waxa xaqiiq ah in wadamada Afrika aanan si siku mid ah loo la dhaqmi Karin, sababtoo ah heerka dhaqaale ee wadamada Afrika ayaa u baahan habab kala duwan. Laga bilaabo waddamada kheyraadka qaniga ku ah sida Nigeria iyo Angola ilaa xarumaha teknolojiyadda ee kobcaya sida Kenya iyo Rwanda. Ururka BRICS wuxuu u wajahayaa Qaaradda siyaabo kala duwan, laakiin caqabaddu waxay tahay sidii lagu ogaan lahaa iskaashiga ku habboon baahiyaha horumarineed ee dalalka Afrikaan.

Balaarinta ururka dhaqaalaha ee BRICS waxa ay siinaysaa wadamada Afrika awood ay ugala xaajoodaan heshiisyo wax tar leh ururka BRICS iyo wadamada reer galbeedka. Si kastaba ha ahaatee, waxa jirta digniin—Afrika waa in ay iska ilaalisaa in ay noqoto goob ay ku hardamaan quwadaha reer galbeedka iyo Ururka BRICS kuwaasi oo isku haya siyaasad iyo awood. Waa in si taxadar leh loo abuuraa Iskaashi istiraatijiyadeed, iyadoo la kala soocayo danaha qaranka iyo faa’iidada mustaqbalka fog.

Dhinaca kale, balaarinta lama filaanka ah ee ururkan iyo oggolaanshaha lixda xubnood ee cusub ee Sucuudiga, Iran, Itoobiya, Masar, Arjantiin iyo Imaaraadka Carabta, ayaa laga yaabaa inay saamayn ballaaran yeelato, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Mid ka mid ah su’aalaha ugu xiisaha badan ee ka dhashay ballaarintan ayaa ah in qaabka ururka BRICS wax u wajahayo ee ku salaysan iskaashiga hurumarinta dhaqaalaha laga yaabo in uu xal u noqdo khilaafaadka muddada dheer soo jiitamayay ee xubnaha cusub, sida muranka wabiga Niil ee Masar iyo Itoobiya.

Marka la eego sida ururkan diiradda u saarayo kobaca dhaqaalaha iyo maalgashiga, BRICS waxay horumarin kartaa xalal iskaashi oo faa’iido u leh labada waddan. Xaaladani waxay tijaabo u noqon kartaa awoodda ururka ee kobcinta diblomaasiyadda dhaqaale ee xubnaheeda.

Doorka Shiinaha ee dhexdhexaadinta Sucuudiga iyo Iran ayaa bixinaya aragti wanaagsan oo ku aadan sida BRICS ay u wajahdo xallinta khilaafaadka. Xiisaddii soo jireenka ahayd ee u dhaxaysay Riyadh iyo Tehraan ayaa xoogaa hoos u dhacday, waxaana mahadaasi leh Shiinaha oo adeegsaday aragtiyo istiraatijiyadeed iyo dano dhaqaale oo isugu jira.

Ugu dambeyntii waxa muuqata in Afrika iyo saaxibadda cusub eek u biiraya BRICS ay haatan haystaan fursado aan horay loo arag oo ay dib ugu qeexi karaan mustaqbalkooda. Waa dheeli tirnaan aan sugnayn, balse rajo leh oo u baahan dhaq-dhaqaaq dublamaasiyadeed oo hufan. Mar walba oo danaha leeyahay ay kordhaan, waxa sidoo kale sara u kaca  suurtagalnimada isbeddelka ee Afrika iyo guud ahaan bulshada caalamka.

 

MACLUMAAD KU SAABSAN QORAAGA

 

Dr Mohamed Osman Mohamoud , waxa uu sitaa shahaadada PhD-ga. Waa La-taliyaha Dhaqaalaha Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale waa Xubin ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka, wuxuuna u shaqeeyaa sidii Wakiil goboleed ee Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda (UPEACE). Marka laga soo tago doorka uu ku leeyahay dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, Dr Mohamed waa aasaasihii iyo maamulaha Machadka Sadar . Waxaad kala socon kartaa qoraaga twitterka @ MohamedOsmanSom

DHAMAAD:

Continue Reading

Wararka

Dowladda Jarmalka oo malaayiin lacag ah ku bixineysa caawinta dadka ku dhibaateysan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya

Published

on

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Jarmalka ee Iskaashiga Caalamiga ah ee GIZ ayaa lagu sheegay in  Jarmalku uu 20 milyan oo Yuuro ugu deeqay Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) si loogu caawiyo dadka ku dhibaataysan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya

War-saxaafadeedka oo xusay in kaalmadaasi la marsiinayo Qaramada Midoobay si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay abaarta ba’an ee ka jirta qaybo ka mid ah Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, ayaa yiri:

Ka dib abaar taariikhi ah, Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ku-dhowaad ​​13 milyan oo qof ay halis ugu jiraan gaajo. Soomaaliya, qiyaastii 1.4 milyan oo qof ayaa ku barakaci kara abaarta hadda jirta. Halka 7.7 milyan, oo ah kala bar tirada guud ee dadka Soomaaliyeed, ay u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo. Roob yar uun ayaa ka da’ay dhowr gobol oo Geeska Afrika ah tan iyo dabayaaqadii 2020-ka.

Jarmalku waxa uu Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) siinayaa 20 milyan oo Yuuro si loo hubiyo in dadka ku nool deegaannada khatarta gaarka ah ee ka imaaneysa gaajada ka jirto ay heli karaan gargaar degdeg ah. Maalgelintan ayey tahay in loo isticmaalo, arrimo ay ka mid yihiin, in in ka badan 50,000 oo qof oo Soomaaliya ku nool lagu siiyo quud loogu talagalay xoolahooda. Dalka Itoobiya, 26 ‘waro’ qallalay ayey tahay in dib loogu biyo dhigo. Kenya, 15,000 oo qoys ayaa lagu wadaa inay helaan lacag caddaan ah.

Qaybo ka mid ah saddexda waddan, roobabku waxay hoos u dhaceen ilaa 70 boqolkiiba. Gobollada qaar ayaa xitaa la daalaadhacaya roobabkii ugu yaraa ee abid.

Xoolo dhaqatada reer guuraaga ah iyo xoolo dhaqatada nag ayaa wajahaya dhibaatooyin sii kordhaya. Qoysas aad u badan ayaa lumiyay ishii dhaqaale ee kaliya. Maadaama roob la’aantu ay sidoo kale sababto in dhul daaqsimeedka uu qallalo, reer guuraagii xoolo dhaqatada ahaa iyo xoolahoodii ayaa si sii kordheysa ugu wareegaya dhul-beereedka. Dhulka beerashada ku habboon wuu sii yaraanayaa. Ceelasha iyo nidaamyada waraabka ayaa qallalaya. Khilaafyo cusub oo ka dhashay tartanka beeraha sii yaraanaya, dhul daaqsimeedka iyo ceelasha biyaha ayaa soo ifbaxaya. Dhibaatooyinka ka dhashay iska horimaadyada hubeysan ee ka jira Itoobiya iyo Soomaaliya iyo sidoo kale ‘Saf-marka Ayaxa’ ee 2020 ayaa xaaladda uga sii daray.

Maalgelintani waxay muujinaysaa habka aasaasiga ah ee dowladda Jarmalka ee gargaarka bini’aadannimo. Ujeeddadeedu waa in la bixiyo caawimo sida ugu dhakhsaha badan iyo sida ugu macquulsan uguna suuragalsan si looga fogaado ama loo yareeyo waxyeellada. Dowladda Jarmalka ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay kordhisay gargaarka bini’aadannimo ee Afrika. Sannadkii 2021, waxa ay diyaarisay lacag dhan 564 (Shan boqol, lixdan iyo afar) milyan oo Yuuro si loogu caawiyo qaaradda Afrika.

Continue Reading

Warbixinada

OGAYSIIS MUHIIM AH

Published

on

DOWLADD GOBOLEEDKA JUBBALAND SOOMAALIYA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO DOWLADAHA HOOSE

Dowladda Hooseee Degmada kismaayo

OGAYSIISMUHIIMAH

Waxaa dhamaan ganacsatada Degmada Kismaayo lagu wargalinayaa in maamulka dowladda hoose ee degmada kismaayo uu sanadki cusubaa ee 2021 Bisha Janaayo uu bilaabay  nidaamka diiwaan-gelinta ganacsiga iyo soo saarista shatiga ganacsiga ee mehered  kasta oo ku taala Degmada Kismaayo. Waxaa ilaa hada la diwaangeliyey  in ka badan 3,300 oomeheradood.Sanadkan 2022 dawladda hoose ee degmada kismaayo waxay dhiiragelineysa in gamacsiyada  hadhay ay sida oogu dhaqso badan is ku diwaangeliyaan una qaatan shatiyada ganacsiga. shatigaas oo ah shaqada ugu muhiimsan ee dowladda hoose si loola socda dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada ksimaayo.

SUPPORTEDBY:ILO/UNJPLG

Muhiimadda uu leeyahay in la qaato shatiga Ganacsiga Dowladda Hoose:

  1. In lakala nidaamiyo ganacsiyada heerar kooda kala duwan lagana hortago ganacsiyda sharci darrada ah.
  2. In ganacsigu yeesho aqoonsi ugaar ah uu na noqdo mid ka masuul ah wixii ku dhaca aqoonsigiisa gaarka ah hadiiuuu isticmaali si sharciga kabaxsan
  3. In la ilaaliyo bad-qabka iyo caafimaadka ganacsiga.
  4. In lala socdo tirada iyo hadba kor ukaca ama hoos udhaca ganacsiga magaalada.
  5. In ay Dowladda Hoose hesho dhaqaale ay kuhormariso arrimaha bulshada.

Yaa ubaahan shatiga ganacsi:

Shatiga waxaa u baahan oo loo soo saarayaa dhammaan nuucyada iyo qeybaha kala duwan ee ganacsi kuwaas oo ka howl gala gudaha magalaada kismaayo. Qof ama shirkadd kasta oo furanaya goob ama xarun ganacsi waxaa waajib ku ah in uu haysto shatiga ku habboon nuuca ganacsigiisa.

Yaa soo saaraya shatiga:

Shatiga ganacsiga Dowladda Hoose waxaa soo saari kara keliya Dowladda Hoose,Majirto hay’ad Dowladeed ama mid gaar loo leeyahay oo bixin karta shatiga ganacsiga  DowladdaHoose.

NidaamkaQaadashadaShatigaDowladdaHoose:

  1. Waa in uu tagaa xafiiska qaabilsan bixinta shatiga ee Dowladda Hoose ee kismaayo
  2. Waa in uu si sax ah ubixiyaa dhamaan Macluumaadka looga baahanyahay ganacsigiisa sida nooca ganacsiga, goobta uu ku yaalo, aqoonsiga iyo dhamaan wixii macluumaad ah oo looga baahdo waxaana diyaar ugu ah shaqaale u tababaran shaqadaas.
  3. Kadib dhamaystirka macluumaadkii looga baahnaa waxaa goobtaas ganacsiga lagu sameynayaa qiimayn waxaana loodirayaa shaqaalaha qiimeynta uqaabilsan dowladda hoose.
  4. Qiimaynta kadib waxaa ganacsadaha loo dirayaa fariin ah nooca ganacsigiisa iyo darajada uu ganacsiga kaga jiro iyo lacagta shatiga ee ku waajibtay
  5. Fariintaas marka uu helo ganacsaduhu waxaa uu bixinayaa lacagta shatiga waxaan uu kushubayaa khasanada Dowladda waxaana uu dib ugu soo celinayaa warqadda caddeynaysa lacag bixinta xafiiska shatiyada ee Dowladda Hoose si loo siiyo shahaadada shatiga. Sidaas ayuuna ganacsigaasi ku diwaan gashan yahay kuna yahay ganacsi sharci ah.
  6. Sanad walba bisha koowaad waa in Ganacsaduhu cusbooniistaa shatigiisa Dowlada Hoose.

Si aad u hesho warbixin faah-faahsan ah fadlan tag xarunta Dowladda hoose ee Degmadakismayo

Continue Reading
Advertisement Starfmsomalia
Barnaamijyo Isbuucle2 months ago

Maalinta Bandhiga iyo Wacyigelinta HornAgro

Barnaamijyo Isbuucle2 months ago

Maalinta Suuqgeynta ee Shirkada HornAgro

Wararka3 months ago

How to choose a Trustworthy Marriage Agency in Europe

Wararka3 months ago

How to Select an Online Marriage Agency

Wararka3 months ago

The Characteristics of a Nice Family

Barnaamijyo Isbuucle3 months ago

Shirkada HornAgro oo Tuulooyinka Hoostaga Kismayo Bandhiga Maalinta Suuqgeynta ku qabatay.

Wararka3 months ago

The Qualities of a Devout Wife

Wararka4 months ago

Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love

Wararka4 months ago

Best Contest for Women to Wed

Wararka4 months ago

East European Women of all ages Are Getting yourself ready for Marriage

Wararka4 months ago

What Are the Best Internet dating Websites?

Wararka5 months ago

Through Playful Banter, flirting

Wararka5 months ago

What to expect on a Sugar Daddy’s initial meeting

Online dating5 months ago

Asian bride rituals

Online dating5 months ago

Italian ceremony customs

Wararka5 months ago

Achieving Romanian Birdes-to-be and Their Overseas Husbands

Online dating6 months ago

Should i get Married to a Colombian Woman?

Wararka6 months ago

Diverse Sugar Relationship Sorts

Wararka6 months ago

Agreements

Wararka6 months ago

Understanding the Importance of Contracts: From Taxation Office Enterprise Agreements to Ceasefire Agreements

Wararka6 months ago

Unique Article: The Impact of Various Agreements in Today’s World

Wararka6 months ago

Understanding Various Business Agreements in Law

Wararka6 months ago

Interim Peace Agreement and Various Types of Agreements

Dhegeysi8 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka8 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi8 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Wararka8 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka7 years ago

Qaar Kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha oo baaq deg deg u diray Golaha Ammaanka ee QM

Wararka7 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka8 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

News In English2 years ago

Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.

Dhegeysi3 years ago

Wararka8 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi8 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka6 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka8 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka6 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English8 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka4 months ago

Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love

News In English9 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo9 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Wararka6 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Wararka3 years ago

Duqeyn Dhanka Cirka Ah Oo Ka Dhacday Gobolka Mudug.

News In English6 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English8 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Daalaco