Waxaa Isniintii shalay Maxkamada magaalada London lasoo taagay ninkii weerarka ka geystay xarunta Tareenada laga raaco Sabtidii lasoo dhaafay, wiilkan oo ah Soomaali lagu magacaab Muxiidiin Mire.
Weerarkii ka dhacay xarunta Tareenada laga raaco ee Leytonstone ee magaalada London ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 qof oo uu mid kamid ah soo gaaray dhaawac culus. Muxiidiin Mire oo ah 29 sano jir ayaa kusoo koray dalka Ingiriiska, gaar ahaan xaafada Camden ee London.
Qoyska wiilkan ayaa horey Booliiska ugu sheegay inuu xanuunsanaa balse Booliiska ayaa la sheegay inaysan horey wax uga qaban codsiga ehelada ninkan oo horey uga digay in wiilkooda uu xanuunsanaa. Waxaana sidaa xaqiijiyey Booliiska oo qiray in Qoyska wiilkan ay horey uga codsadeen in la qabto maalmo kahor intuusan weerarkan geysan.
Booliiska ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Leytonstone ay u arkaan weerar argagaxiso.
Maxkamada ninkan ayaa dib u bilaaban doonta maalinta Jimcaha ah ee soo socota 11ka bishan
Weerarkii uu geystay ninkan Soomaaliga ah ayaa waxaa si weyn uga hadlay warbaahinta reer Galbeedka, xili cabsi weyn oo dhanka weerarada argagaxisada ah ay ka jirto dalalka Yurub kadib weeraradii ka dhacay magaalada Paris.


