Ka dib dadaal badan oo loo galay sidii dib loogu fasixi lahaa Xarunta Universaltv Ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xalay suurta gashay in Dowladda Somaliya ay fasaxdo.
Taliska Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka, ayaa Maamulka TV-ga Universal u sheegay in Xaruntooda laga qaaday xayiraaddii lagu soo rogay 2-dii bishan.
Tani waxay daba socotaa dadaalo Arbacadii Xabsiga Godka Jilicow looga sii daayay Agaasimaha Telefishinka Universal Ee Bariga Afrika, C/laahi Xersi Kulmiye iyo barnaamij soo saare, Cawil Daahir Salaad.
Odayaasha Dhaqanka & Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya qaarkood, ayaa waxay dadaal badan ku bixiyen, sidii dib loogu fasixi lahaa Xarunta Telefishinka Universal.
Dowladda Somaliya, ayaa waxay ka carootay Barnaamijka Dood Wadaag oo 30-kii bishii hore ee September ka baxay Xarunta Universaltv Ee Magaalada Muqdisho, loogana hadlaayay xaalka uu dalku ku sugan yahay.
Qaramada Midoobe, Britain, Mareykanka iyo Ururada Saxaafadda Somaliya, ayaa si isku midda u cambaareeyay xariga loo gaystay Suxufiyiinta iyo xanibaadda la saaray Xarunta Universaltv.
Warbixin ay Jimcihii soo saartay Hay’adda U Dooda Xuquuqda Suxufiyiinta CPJ, ayaa waxay ku sheegtay in Somaliya ay noqotay dalka ugu halista badan caalamka ee Suxufiyiintu ka hawlgasho.