Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu horkacaayo, ayaa goor dhow gaaray Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa diyaarad helicopter ahayd ku gaaray Degmada Afgooye, waxaana Degmadaasi ku sugan xubno uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Maaliyadda Ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, C/fataax Xaaji Cabdulle, ayaa sheegay Madaxweynaha Somaliya in si diiran loogu soo dhaweeyay Afgooye.
Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa tilmaamay in Madaxweynuhu uu kulamo la lee yahay Saraakiisha Dowladda & Amisom, waxaana laga wada hadlayaa buu yiri arrimaha ammaanka ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Boqolaal ka mid ah Ciidamada Dowladda & Amisom, ayaa maanta lagu daadiyay wadooyinka iyo xaafadaha Degmadaasi Afgooye, si ay u xaqiijiyan ammaanka mudada uu Madaxweynuhu ku sugan yahay.
Ciidamada Dowladda, ayaa saakay xiray wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, iyagoona hakad geliyay dhaq dhaqaaqii dadka iyo gaadiidka ee Muqdisho iyo Afgooye.
Socdaalka Madaxweynaha ee Degmada Afgooye, ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Ciidamada Huwanta ay soo baneeyen goobo muhiim ah, oo ay ka jooggeen Gobolkaasi, dibna ay u qabsadeen Xoogaga Al Shabaab.