Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminayo, ayaa duhurnimadii maanta u amba baxay Magaalada Abu Dhabi Ee Wadanka Emirate-ka Carabta.
Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Abu Dhabi uu kaga qaybgalo aaska Allaha u naxariistee Sheikh Rashid bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ah wiil uu dhalay Ra’iisal Wasaaraha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Emirate-ka Carabta, Sheikh Mohammed bin Rashid.
Madaxweynaha, ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in dhambaal tacsi ah uu gaarsiiyo Madaxda Emirate-ka Carabta, geerida naxdinta leh ee ku timid Sheikh Rashid.
Al Maktoum, ayaa Sabtidii ku geeriyooday Magaalada Dubai, xilli uu ku sugnaa, iyadoo la soo sheegayo in wadnaha uu si kedis ah u istaagay, caafimaadkiisuna uu xilligaa ahaa mid wanaagsan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta isaga tagey shirka maalintii 3-aad ka sii soconaaya Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, ayna lee yihiin Madaxda Dowladda, Maamul Goboleedyada iyo xubno ka socda Wakiilada Beesha Caalamka.
Iyadoo shirka uu maalintii 3-aad galay, ayaa waxaa la soo sheegayaa inaanan weli laga soo saarin qodobo lagu mideysan yahay, galabta ayuuna qorshuhu yahay in la soo gaba gabeeyo.