Nala soo xiriir

Wararka

Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanta Askari Katirsan Boliska Tababar U furay (Daawo Sawirada)

La Qoray

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta tababar u furay in ka badan 300 askari oo ka mid noqonaya Ciidanka Booliska Somaliyeed, kaasi oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Booliska Ee Jenaral Kaahiye.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiiru-dowlaha Amniga Mudane Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo tababarka hadal ka jeediyay, ayaa tilmaamay in qorshaha talisku uu yahay dib u dhiska ciidanka booliska iyo tababaridooda, si ay u xoojiyaan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada.

“Waxaa hoolkan maanta ku kulansan dhibow muddo afar bil ah ku soo jiray tababar, waxaana maanta loo furayaa tababarkooda rasmiga ah oo socon doono muddo sagaal bil, waxaa kaloo halkan ku sugan arday ka soo baxday dugsiyada sare oo aan u qaaday in aan barno qibradaha taraafikada, ilaalinta canshuuraha iyo baarista dambiyada, waxaa kaloo halkan ku sugan labo leyli sargaal oo la diyaarinayo, anagoo la kaashan doono wadamada gacan ka geysan kara, maadaama dugsigan uusan gaarsiisneyn heerka leyli sargaal.” Ayuu yiri Sareeye Gaas.

Madaxweynaha oo furay tababarka, ayaa ugu horayn ku booriyay ciidamada inay ka faa’iideystaan tababarka la siinayo, oo ay noqdaan kuwa ugu adeega bulsahda waxyaabaha ay tababarka ku qaateen.

“Dhalinyarada tababarkan u soconayo waa inay ogaadaan fahamka saxda ah ee booliska, kan hurda ee jiifa iyo kan iskuulka u dheel manaya iyo kan kale ee soo jeedaya, intabada adiga dartaada ayay ku joogaan, oo ay ku hurdayaan howsha aad bulshada u haysaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale kula dar daarmay inay ilaaliyaan sharciga oo ay ogaadaan inaysan jirin cid sharciga ka weyn.

“Booliska waxaa laga rabaa inay ku adkeystaan oo aysan ka baqin qofka qawaaniinta jabiya, ha ahaado sargaal dowladeed, Xildhibaan ha ahaado, xafiiska Prime minester-ka haka tirsanado ama Madaxweynaha, inta aad aaminsantahay in qofkan uu u gefay qaanuunka lala tiigsado sharciga, adiga oo aan ku xadgudbeyn hay’adaha kale ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan1

Xasan2

Xasan3

Xasan4

Xasan5

Xasan6

Xasan7

Xasan8

Xasan9

Xasan91

Xasan92

Xasan93

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Guddoomiye Mursal oo Arrimaha doorashooyinka kala hadlay Wafdi ka socda Qatar

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday dowladda Qatar.

Wafdiga waxaa hogaaminaayay Ergeyga gaarka ah ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiyaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadleen xaalada guud ee dalka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka si gaar ah go’aankii ay shalay Golaha Shacabka ku ansixiyeen codsiga madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-September 2020.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Ergeyga dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani kaga mahad celiyay booqasho sharafeedka uu ugu yimid, waxaana Kulanka guddoomiyaha ku wehlinaayay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka  C/kariim Xaaji Cabdi (Buux).

sii aqri

Wararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay ergeyga dalka Qatar Al- Qahtani

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiisada siyaasadeed ee dalka, dadaalada Qatar ku dooneyso in lagu dhammeeyo kala duwanaanshaha siyaasadeed iyo sidii Soomaaliya doorasho nabdoon uga dhici laheyd, waxaana Qatar balanqaaday inay garab istaagi doonto dadaalada uu Ra’iisul Wasaaraha.

Ergeyga ka socda dowladda Qatar oo xalay ku hoyday Muqdisho ayaa maanta kulamo la yeelanaya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda sida Mucaaradka, xubno ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Dr Mutlaq Al-Qahtani ayaa xubnaha uu la kulmayo waxaa ka mid ah Midowga Musharaxiinta, kulankan oo caawa ka dhacaya Hotelka Decale ayaa noqon doona kii u horreeyay ee mas’uul sare oo ka socda Qatar la yeesho Mucaaradka dowladda.

sii aqri

Wararka

Mareykanka Oo Gaadiid Dagaal Ku Wareejiyay Dowladda Soomaaliya

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Taliska Howlgalka Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya AFRICOM ayaa dowladda Federaalka gaar ahaan Taliska Ciidamada sida gaarka u tababaran ee DANAB ku wareejiyay gaadiid nooca dagaalka.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Telefashinka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in gaadiidkaan oo gaaraya dhowr gaari ay ku howlgeli doonaan Ciidanka kumaandoosta xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB.

Sidoo kale gaadiidka Taliska Mareykanka ee Soomaaliya AFRICOM uu ku wareejiyay dowladda ayaa la tilmaamay inay Ciidamada u adeegsan doonaan howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladdaha Soomaaliya ka taageera dhinaca tababarada Ciidanka, waxaana Mareykanka uu gudaha dalka ka fuliyay duqeymo diyaaradeed, iyagoona Ciidanka dowladda la fuliya howlgalo badan oo qaarkood lagu dilay xubno ka tirsasn Al-shabaab.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka2 weeks ago

Guddoomiye Mursal oo Arrimaha doorashooyinka kala hadlay Wafdi ka socda Qatar

Wararka2 weeks ago

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay ergeyga dalka Qatar Al- Qahtani

Wararka2 weeks ago

Mareykanka Oo Gaadiid Dagaal Ku Wareejiyay Dowladda Soomaaliya

Wararka2 weeks ago

Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Ay Soo Dhaweeyeen Midowga Musharaxiinta.

Wararka2 weeks ago

Itoobiya oo Argagixiso u Aqoonsatay Ururrada TPLF iyo OLF.

Wararka2 weeks ago

Antonio Guterres oo baaq u diray Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya

Wararka2 weeks ago

Al-Shabaab Ayaa Weerar Ku Qaaday Degmada Raaga-ceelle.

Wararka2 weeks ago

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Ku Dhawaaqay in Laqabanaayo Doorasho.

Wararka2 weeks ago

Farmaajo oo ku Dhawaaqay in Howlaha doorashooyinka & Amniga uu ku Wareejinayo Rooble

Wararka2 weeks ago

Shariif Sheekh Axmed Oo Saxaafada Kula Hadlay Magaalada Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

Wararka2 weeks ago

Maraykanka oo Codsaday in la Baabi’yo Hindise Sharciyeedka Muddo Kororsiga Aheed.

Wararka2 weeks ago

Maxamed Xuseen Rooble Oo Kulamo la yeeshay Midowga Musharaxiinta iyo Madaxda Hirshabelle iyo Galmudug.

Wararka2 weeks ago

Golaha Shacabka oo Beeniyay in Kulanka Sabtida Xilka looga Qaadayo RW Rooble

Wararka2 weeks ago

Rooble Ayaa Ugu Baaqay Dadkii Ka Barakacay Xaafadaha Muqdisho In Ay Dib Ugu Soo Laabtaan.

News In English2 weeks ago

3 Somalia Regional States Say No To Farmaajo Term Extension.

Wararka2 weeks ago

Qarax Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Dhaliyey Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Gudoomiye Mursal Oo Faray Xildhibaanada Golaha Shacabka In Ay Soo Xaadiraan Xarunta Golaaha.

Wararka2 weeks ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Ogolaaday in lagu Noqonayo Heshiiskii Lana Qabto Doorasho Shuruud La’aan ah

Wararka2 weeks ago

Maamulka Koonfur Galbeed Oo Soo Dhaweeyey Go’aankii Ra’iisul wasaaarer Rooble.

Wararka2 weeks ago

Puntland iyo Jubbaland Oo Soo Dhoweeyay Mowqifyada RW Rooble Galmudug, iyo Hirshabelle.

Wararka2 weeks ago

Rooble Oo Ku Dhawaaqay in Dalka uu Doorasho Galaayo

Wararka2 weeks ago

Galmudug iyo Hirshabeelle oo Kasoo Horjeestay Muddo Kordhintii Farmaajo.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi5 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka3 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English3 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English3 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English3 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada3 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Warbixinada3 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco