

Wararka
Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi ah u furay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe
La Qoray
6 years agoon
Waxaa Qoray
Star FMMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta si rasmi ah waxaa uu uga furay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe shirka maamul dhisida Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo ay ka soo qeyb galeen boqolaal ergo oo labada gobol ka socotay.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu tala galay furitaanka Shirka ayaa ka dhacday hool weyn, waxaana halkaas suugaan ku soo bandhigay Kooxda Hilaac Band iyo Bar baarta gaashaaman oo tix gabay iyo suugaano ku cabiraay barwaaqada labada gobol iyo sida lagama maarmaan u tahay labada gobol.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku soo dhoweeyay ergooyinka magaalada Jowhar, isagoo soo dhoweeyay furitaanka shirka, waxaana uu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in shirka maamul u sameynta labada gobol inuu maanta furmo.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan shirka mamul u sameynta labada gobol, isagoo xusay in labada gobol ay yihiin lao gobol oo deris ah, dadkoodana ay wada dhasheen.
Qaar ka mid ah Salaadiintada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada gobol oo ka hadlay ayaa dhankooda soo dhoweeyay gogosha maamul u sameynta, waxaana ay ku baaqeen in la dedejiyo maamul u sameynta Labada Gobol.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in maamul goboleedyada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu ka mid noqon doono maamul goboleedyada dalka ka jira, isagoo xusay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh markii xilka qabatay sanadkii 2012 ay u suura gashay inay dhismaan maamul goboleedyo, iyadoo sanadkii 2004 lagu heshiiyay in dalka ka dhismaan maamulo federaal ah.
Mr Odawaa ayaa sheegay in shirka la dar dar gelin doono maamulka labada gobol, isagoo xusay in labada gobol ay taariikh ku leeyihiin halganka gobonimo doonkii iyo la dirirkii gumeystaha.
Waxaa uu ugu baaqay ergada labada gobol inay soo jeediyan aragtidooda ku aadan magaca loo bixinayo maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, astaanta maamulka iyo calanka maamulka, isagoo xusay in Wasaaradda Arrimaha gudaha oo howsha wada ay abaal marino ku bixin doonto.
Madaxwene kuxigeenka Jubbaland Suldaan C/qaadir Lugadheere oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dhismaha maamulada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo xusay in maamulkooda ay soo dhoweynayaan, isla markaana ay diyaar u yihiin wixii taageero ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in la dedejiyo maamulka, isla markaana wixii khilaaf iyo dhaliil dhinac la iska dhigo, si bisha febraayo Madaxweynaha ka soo baxa labadan Gobol uga qeyb galo shirka ka dhici doona Istanbul.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulka labada gobol dhismihiisa ay soo dhoweynayaan, maantana ay gogoshiisa furantay, isagoo ku baaqay in la soo dhoweeyo dadka u dhashay labada gobol ee ka maqan, isla markaana wixii xuquuqdooda la siiyo.
C/kariin Guuleed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay dareemayaan inay ka maqan tahay mataan, maadaama labada gobol ay deris yihiin maamulkiisa, waxaana uu talo ahaan u soo jeediyay in maamulka dhismaya in loogu magac daro Shabeelle State, maadaama labada gobol uu maro hal wabi oo ah wabiga Shabelle.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaba gabadii ka hadlay munaasabada ayaa si rasmi ah waxaa uu uga dhawaaqay inuu shirka furan yahay, isagoo ugu baaqay dadka labada gobol inay dhistaan maamul ay u mideysan yihiin, isla markaana ka soo baxo ninkii ay doorteen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka yimaadeen afar ka mid ah sideedii Madaxweyne ee dalka soo maray, isagoo xusay in labada gobol ay leeyihiin taariikh siyaasadeed iyo taariikh dhaqaale.
Waxaa uu ku booriyay dadka ka soo jeeda labada gobol inay dhisteen deegaanadooda, isla markaana ay hantidooda geliyaan, si magaalooyinka ay u dhismaan.
LAGA YAABO INAAD JECESHAHAY
Wararka
Xasan Sheekh Oo Maanta Kulan Laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka.
La Qoray
2 weeks agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah ee ay siiyaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa soo Bandhigay xaaladda binu aadannimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, isagoo xusay dadaalka iyo abaabulka gurmad ee dowladdu ay ku bixinayso la tacaalidda xaaladdaas adag, waxa uuna ka codsaday beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wakiillada Beesha Caalamka muhiimadda safarkii uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada dalka, kaas oo ka tarjumaya dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah iyo xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.
Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka oo bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta iyo gurmadka abaaraha ayaa soo dhaweeyey qabsoomidda Shirkii Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo gaba-gaboobay Villa Soomaaliya iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay oo dhaqan-gelkiisu uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo horumarka dalka.
Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay kordhinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan ammaanka, arrimaha binu aadannimada, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.
Wararka
Guddiga Wada Diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Dowladda oo Su’aalo Weeydiiyay Wasiir Beyle
La Qoray
2 weeks agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Guddiga KMG ah ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xilsaaray diyaarinaya Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 ayaa maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo Faadumo Cismaan Faarax iyo xubno kale oo la socday
Guddiga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee loo xilsaaray ayaa Wasiirka iyo xisaabiyaha guud ee Qaranka wax ka waydiiyay qarashaadka ka baxay qasnadda Dowladda bilihii la soo dhaafay, Canshuuraha iyo su’aalo kale oo la xiriira Miisaaniyadda Qaranka 2022.
Xubnaha Guddiga ayaa wada soo diyaarinta sharciga miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020, iyada oo la filayo inay horgeeyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Wararka
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Magacaabis sameeyay
La Qoray
2 weeks agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Maanta Maamul cusub waxaa uu u Magacaabay degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu yiri” Iyada oo laga ambaqaadayo baahida loo qabo maamul uu yeesho deegaanka Bariire ee degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana wadatashiyo lala yeeshay dadka deegaanka, ayaa Guddoomiyaha Golka Shabeellaha Hoose Hon Ibrahim Adan Ali – Najah wuxuu magacaabay maamulka cusub ee deegaanka Bariire, kuwaas oo kala ah.
Sayid Cali Macow Axmed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha deegaanka Bariire, halka Nuur Maxamed Sheekh Cali loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa u rajeeyay mas’uuliyiinta cusub inay si hufan u gutaan waajibkooda ayna xaqiijiyaan adeegga dadweynaha ay uga baahan yihiin maamulka. Waxaana Guddomiyuhu ka codsaday bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta cusub.


Xasan Sheekh Oo Maanta Kulan Laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka.

Guddiga Wada Diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Dowladda oo Su’aalo Weeydiiyay Wasiir Beyle

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Magacaabis sameeyay

Ergeyga Gaarka Ah Ee Gurmadka Abaaraha Iyo Wafdi La Socday Oo Gaaray Buulo-Burte

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Taliye Ka Tirsan Puntland Oo La Dilay Isaga Oo Howlgal Ku Jiray

Ciidamada Amaanka Puntland Oo Sameeyey Howlgal Lagu Xaqiijinaayo Amniga Garawe.

Dagaal Khasaaro Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

Golaha Shacabka Oo Maanta Villa Hargeysa Kuyeelanaayo kulan.

Muuse Biixi Oo Gaaray Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Aadan Madoobe Oo Shaaciyay In La Magacaabayo Guddi KMG Oo Ka Kooban Labada Aqal.

Soomaaliya & Talyaaniga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Akhriso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho

Xildhibaanada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Maanta Kulan Yeelanaya & Ajendihiisa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay Wasaaradda Gaashaandhigga lana kulmay Saraakiisha Ciidamada

Xukuumadda Oo Kordhisay Lacagaha Laga Qaadayo Xujeyda Soomaaliyeed.

Maamulka G/Banaadir & Hay’adaha Amniga Oo Ka Shiray Amniga Caleemo-saarka Madaxweynaha JFS.

Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta Fagaaro Ku Toogtay Nin Haweeneey Dilay

Wafdi Ka Qeyb Galaya Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo Gaaray Muqdisho

Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysan jirtay.

Ciidanka dowlada soomalia oo howlgal qorsheysan ka fuliyay dagmada buur hakaba ee gobalka Bay

Wafdi Ka Socda dowlada Somalia Oo Maanta Ka Qeyb Galaya Shirka Midowga Afrika Oo Furmaya

Wasiirka maaliyada xukumada soomalia Oo UK Kala Hadlay Taageerada Dib-U-Habeynta Hannaanka Dhaqaalaha Dalka

Xildhibaan sheegay in Muqdisho laga wado abaabulka qorshe xilka looga tuurayo Laftagareen

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”


Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”
