Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan qabashada Hogaanka dalka, marka la gaaro sanadka 2016-ka oo la filaayo dalka Somaliya inay ka dhacdo doorasho nooceeda weli aanan la isla garan.
Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlaayay Golaha 88-aad oo ka dhisan Qurbaha ayna ku mideysan yihiin Jaaliyad Somaliyed, ayaa cadeeyay in uu yahay Musharax u taagan qabashada Hogaanka dalka, marka la gaaro waqtiga doorashada.
Madaxweynaha wuxuu cadeeyay Dowladiisa inaysan wadin qorshe ku aadan muddo kororsi, isaga oo farta ku fiiqay muddo kororsi inay leedahay dhibaato, xilligana aanan loo baahneyn amuurahaasi.
“War hadii aanan gaari karin hal cod iyo hal qof inaan kororsiino, Kororsiimada horay ayaan u soo aragnay waa ay dhib badan tahay oo qaladaad badan ay leedahay, qaladaadka shalay aan galnay yeeynaan gelin oo macno beelinee maanta wixii aan kortagno intaan ka tashano oo aan isku raacno beri waxaan rabaa shacabka Somaliyed, hadii shalay 135 Oday Baarlamaanka noo keentay, beri waxaan rabaa dad Somaliyed oo kumanaan gaaraya inay ka qayb qaataan Dowladda cusub ee imaanaysa, kumanaankaas dad matalaya, hadii ay ii gartan aniga inaan mar kale sii joogo inaan sii joogo, hadii aysan ii garan oo qof kale ay doortaan oo Cali, ama Jaamac, ama Caasho la dhaho ay u gartaan waxaan raalli ka ahay inaan qofkaasi kale ku wareejiyo, waxaan rabaa inaan dhaqan cusub iyo wado cusub inaan jideeyo ayaan rabaa, Musharax waan ahay sidaas ayaan Musharaxa ku ahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
Madaxweynaha oo sii waramaya, ayaa sheegay waligiis inuusan ka mid noqon Urur Diimeed, xilli awooda dalka lagu xaglinaayo Ururka Damul Jadiid, inkastoo Madaxweynaha uu beeninaayo in uu ka mid yahay Ururkaasi.
“Anigu Ka Madaxweynaha Jamhuuriyada, ka Xasan Sheekh ahaan Urur Diimeed waligeey kama mid noqon, maantana kama mid ahi, Damul Jadiid, Al-Islaax, Aala Sheekh, Ahlu Sunna Ictisaam Itixaad, Ansaaru sunna, waxaa jirta intaas oo magac, laakiin Madaxweyne kasta dad ka ag shaqeeya oo ka agdhaw oo shaqada u fududeeya wey soo jireen, dabcana waa ay jirayaan, laakiin waxaan kuu sheegayaa Dowlad Damul Jadiid ay leedahay dalkaan inaysan ka jirin.” Ayuu warkiisa sii raaciyay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Somaliya ayaa mar kale beeniyay calanka Somaliya in wax laga bedelaayo, isaga oo sheegay Baraha Bulshada ay ku xiriirto in lagu faafiyay arin aanan sal iyo raad laheyn oo ku aadan in calanka wax laga bedelaayo.
Madaxweynaha Somaliya oo dad badan ay aaminsan yihiin inuu ku fashilmay Siyaasada dalka Somaliya, ayaanan la ogeyn sida mar kale loo dooran doono, maadaama lagu eedeeyo hogaan jileec iyo Kooxaysi.