Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax, Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliya oo booqasho ku jooga Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa kormeer ku tagay Xerada ciidamada Booliska Amisom ee Magaalada Beladweyne.
Taliye ku xigeenka Booliska ayaa halkaasi wuxuu kula kulmay Saraakiisha ciidamada Booliska Amisom oo uu kala hadlay heerka uu gaarsiisan yahay wada shaqeynta ka dhaxeysa Booliska Somalida iyo midka Amisom.
Saraakiisha ciidamada Booliska Amisom ayaa Taliye ku xigeenka waxa ay siiyeen warbixin la xiriirta xaalada Booliska Amisom ee Magaalada Beladweyne iyo sida ay ku shaqeeyaan.
Saraakiisha Booliska Amisom, waxa ay Taliye ku xigeenka u sheegeen ciidamada Booliska Amisom inay wada shaqeyn wanaagsan la leeyihiin Booliska Dowladda ee Magaalada Beladweyne.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Dowladda Federalka Somaliya Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax, ayaa ku ammaanay ciidanka Booliska Amisom dadaalka ay ka wadaan Magaalada Beladweyne, wuxuuna ku dhiirageliyay inay sii wadaan shaqadooda.
Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax, ayaa muddooyinkaan dambe wuxuu ku sugan yahay Magaalada Beladweyne oo ugu kuurgalaayo xaaladaha ammaan ee ka jira iyo sida Booliska ay u shaqeeyaan.
Booliska Somaliya ayaa hada u muuqda kuwa dib u soo dhismaya, marxalado adag oo ay soo mareen, kadib.









