Xidhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan gaar ah ku yeelanaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada muqdisho, waxaana kulankaasi uu yahay mid Saxaafada ay dibad joog ka tahay.
Kulanka ayaa waxa uu ku saabsan yahay Xaaladda uu marayo dalka iyo hiigsiga 2016-ka ka dib markii uu Shalay ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiye Jawaari ayaa shegay in kulankaani uu yahay mid Xildhibaannada talooyin ka dhiiban doonaan habka loo marayo doorashada dalka 2016ka,aragtida ka soo baxdana ay la hortagi doonaan shirarka looga hadlayo nooca doorashada ee 2016ka uu qaadanayo dalka,kaas oo Shirka ugu soo horreeya uu 10ka Bisha soo socota ka dhacayo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.
Kulan kan,Warbaahinta waxaa ay ka tahay dibad joog,waxaana loo sheegay in marka uu soo dhamaado,talooyinka ka soo baxa lala wadaagayo warbaahinta.