Nala soo xiriir

Wararka

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta guda galaya akhrinta labaad ee sharciga Saxaafadda

La Qoray

on

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta guda galaya akhrinta labaad ee sharciga Saxaafada, kaasoo ay horay ugu soo gudbisay Golaha Wasiirada, markii ay soo meel mariyeen.

Hindise sharciyeedka Saxaafadda ayaa waxaa ka hor akhrin doona Guddoomiyaha Guddiga Warbaahinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo horay ugu baaqay Baarlamaanka inuu si deg deg u meel mariyo sharcigan.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah hab-dhowraha Baarlamaanka ayaa sheegay in maanta oo isniin ah, taariikhduna tahay 2-November ajandaha shirka Baarlamaanka uu yahay akhrinta labaad ee hindise sharciyeed.

Waxaa uu sheegay in marka la soo gaba gabeeyo akhrinta hindise sharciyeedka Saxaafadda loo guda geli doona in laga doodo sharcigan, isla markaana marka dooda la soo gaba gabeeyo cod loo qaado.

Sharciga Saxaafada ayaa marxalado kala duwan soo maray, iyadoo intii ay isaga kala dambeeyeen Xukuumadihii KMG ee dalka soo maray iyo labadii xukuumadood ee u dambeysay waxaa marba wax laga bedelay qodobada sharciga saxaafada oo horay Warbaahinta madaxa banaan uga keeneen qeyla-dhaanta.

Sharcigan ayaa la doonayaa inuu kala hago warbaahinta iyo dowladda, iyadoo hey’adaha ammaanka ay wariyeyaal iyo xarumo warbaahineed u xireen, iyadoo aan amar Maxkamadeed ka soo bixin.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada ugu qatarsan ee ay ka howl galaan Suxufiyiinta, waxay wajahaan, hanjabaado, dilal iyo caburin, waxaana shantii sano ee la soo dhaafay Koofurta Soomaaliya lagu dilay in ka badan 50-wariye oo badankood la dilay iyagoo howlahooda shaqo ku guda jiray.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Rooble Oo Xaliyay Khilaaf u Dhaxeeyay Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Rooble uu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Warbaahinta la hadlay uu codsaday in la hakiyo doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi inta laga saxayo khalalaadka jira.

sii aqri

Wararka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Hay’adda Socdaalka

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada dowladda Federaalka oo uu hoggaaminaayey Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka Cabduqaadir Cilmi Cali.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, iyagoona Magaalada Baydhabo u tegay Arrimo la xiriira Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku-meel gaarka u ah Maamulka kulan kula qaatay wafdiga uu hoggaaminayay Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka Cabduqaadir Cilmi Cali.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa Agaasime Cabduqaadir Cilmi iyo wafdigiisa kala hadlay dardar-gelinta howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada dowladda Federaalka iyo sidii adeegyada Bulshada deegaanada Maamulka loogu dhammeyri lahaa.

Kulanka ayaa waxaa sido kale ka qeybgalay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Maxamuud Maxamed Kheyr , Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Cabdifatax Mahad iyo Agaasimaha Hay’adda Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada Qeybta Koonfur Galbeed Cumar Xaaji Ibraahim.

sii aqri

Wararka

Qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo Maanta xiran.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wararka laga helayo Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah Suuqa la xiray ka dib markii kooxda Daacish ay lacago dheeraada ku soo rogtay ganacsatada.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa sheegay, in qaybaha xiran saaka ay ugu muhiim sanyihiin qeybaha lagu iibiyo qalabka dhismaha, waxaaana maalmihii la soo dhaafay soo baxayay wararka sheegaya in Kooxda Daacish ay lacago weeydiisatay qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa.

Ganacsatada qaarkood ayaa Warbaahinta u sheegay in kooxda Daacish ay waydiisatay, boqolkiiba sodon inuu ka bixiyo qofka ganacsadaha ah hantida uu ku shaqeeyo, taas oo culeys ku noqotay Milkiilayaasha Goobaha Ganacsiga.

Ganacsatada ayaa horey u bixin jiray lacago ay ku soo rogeen Al-Shabaab. Dawladda ayaa sidoo kale canshuur ka qaada ganacsatada, welina laamaha Amniga Soomaaliya kama hadlin tallaabadaan ay Maanta ku xiran yihiin qeybo kamie au Ganacsiga Suuqa Bakaaraha.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka11 hours ago

Rooble Oo Xaliyay Khilaaf u Dhaxeeyay Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi.

Wararka11 hours ago

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Hay’adda Socdaalka

Wararka11 hours ago

Qaybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo Maanta xiran.

Wararka11 hours ago

Diyaarad Sidday Ciidamo Oo Ka Degtay Garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

Wararka11 hours ago

Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed oo Xildhibaan loo Doortay.

Wararka2 days ago

Ciidamo Hubeysan Oo La Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Baledweyne

Wararka2 days ago

Sadax kursi oo kamid ah xildhibanada golaha shacabka oo muqdisho lagu dooranayo maanta

Wararka2 days ago

Ciidamada dowlada soomalia oo sakay xiray inta badan wadooyinka casimada

Wararka3 days ago

Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Wararka3 days ago

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Ku Riday Askari Dilay Askari Kale.

Wararka3 days ago

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la Kulmay Wafdi ka Socda Dowladda Faransiiska.

Wararka3 days ago

Soomaaliya Iyo Midowga Afrika Oo Isku Raacay Ciidamado Mas’uuliyadda Ammaanka Kala Wareega AMISOM.

Wararka4 days ago

Wasiirka Kalluumsiga Jubbaland oo loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka

Wararka4 days ago

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Khilaafaadka.

Wararka4 days ago

Asad Cabdirisaaq Maxamed oo loo Dortay Kursi Golaha Shacabka.

Wararka4 days ago

Ciidanka Gor-Gor Oo Fuliyay Howlgal Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Al-shabaab.

Wararka4 days ago

Maxamed Sheekh Nuur Cismaan Oo Dooratay Xildhibaan.

Wararka4 days ago

Kursigii Koowaad Ee Golaha Shacabka Oo lagu Doortay Kismaayo.

Wararka4 days ago

Farmaajo Iyo Jeneraal Xuud Oo Kulan Ku Yeeshay Madaxtooyada Soomaaliaya.

Wararka4 days ago

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed Oo Qabanaya Doorashada Kuraas Hor Leh

Wararka4 days ago

Doorashada Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dhaceysa Kismaayo

Wararka5 days ago

Wafdi Ka Socday Guddiga Xallinta Khilaafaadka Oo Gaaray Garoowe.

Wararka5 days ago

Xilliga la Qaban Doono Saddex Kursi oo Ka Mid ah Doorashada Gobolada Waqooyi oo la Shaaciyay.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo7 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco