Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee Mooshinka ka keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxay si xoogan kaga horyimaaden in ay la kulmaan Madaxweynaha.
Xildhibaanada oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ka horyimaaden hadalkii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ee ahaa soo afjarista Mooshinka.
Xildhibaanada, ayaa waxay sheegeen haddii ayba dhacdo inay la haldlayan Madaxweynaha Somaliya, aan loo fasiran karin soo afjarista Mooshinka, Mooshinkana la soo afjari karo, marka loo gudbiyo Maxkamad, sidaana ay soo xukmiso.
War Saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanadaasi, ayaa nuqul ka mid ah waxa uu u qornaa sidatan:-
Ogolaanshiyaha wada hadalka looma fasiran karo soo afjarista Mooshinka, Mooshinka waxa lagu soo afjari karaa in Maxkamadda marka loo gudbiyo soo xukmiso in aan sharci ahayn iyo haddii Maxkamadda sharcinimadiisa xukunto in golaha la keeno si aqbaliyad lagu ansixiyo 2/3 xubnaha baarlamaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa uu ku xadgudbey qodobka 4aad ee Dastuurka oo hagaya hay’adaha Qaranka marka kuu ku andacoodo afjarid Mooshin uusan awood u lahayn.
Xildhibaanada Mooshinka keenay waxaa ay ka codsadeen Guddoomiyaha in uu fasiraad ka bixiyo waxaa uu ula jeedo Mooshinka waa soo afjarmay, ilaa iyo hadana Jawaab kama bixin.
Xildhibaanada Mooshinka Keenay, ma aqbalayan wax wada hadal ah inta Mowqifka Guddomiyuhu yahay (Mooshinka soo afjarmay).
Xildhibaanada mowqifkoodu waa in Mooshinka uu taagan yahay, loona gudbiyo Maxkamad awoodda u leh in ay go’aan ka gaarto.
Xildhibaanada Mooshinka waxaa ay umadda Soomaaliyeed la qaybsanayaan in Jawaari si sharci darro ah Mooshinka ugu hayo Xafiiskiisa muddo ku dhaw labo bil.
Xildhibaanada waxaa ay Jawaari uga digayaan in uu joojiyo go’aanada sharci darrada ah ee iska hor-imaanaya, halisna galinaya wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo sareynta sharciga.
Prof. Jawaari, ayaa maanta Xildhibaanada ugu baaqay inay ka soo qaybgalaan wada hadalada, oo ku muddeysan maalinta berrito ah, xilli uu tilmaamay in wada hadaladu bilaabanayan 11:00 barqanimo.