Waxaa gelinkii dambe ee maanta Suuqa Bakaaraha lagu dhaawacay Xisaabiyihii Guud Xawaaladda Dahabshiil Ee Koonfurta Somaliya, xilli uu shaqada ka baxay, kuna sii jeeday hoygiisa.
Maxamed Xersi oo markaasi uun gudaha u galay gaarigiisii, ayaa waxaa soo dul istaagay laba nin, kuwaa oo ku amray in gaariga uu ka soo deggo, markii uu diidayna ay rasaas ku furayn.
Maxamed Xersi, ayaa waxaa ku dhacday laba xabadood oo middi ay kaga dhacday madaxa, halka midka kalan ay wadnaha kaga dhacday. Dembiile-yaasha, ayaa ninkaasi kaga tagey meyd ahaan, balse inuu dhaawac yahay oo dib laga ogaaday, ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Madiina.
Ciidamada Nabad Suggida & Booliska ka hawlgala Suuqa Bakaaraha oo daqiiqado ka dib halkaasi gaaray, ayaa waxay ku guuldareysteen inay gacanta ku soo dhigaan dembiile-yaasha, sababo ku aadan iyagoo halkaasi gaaray, xilli ay baxsadeen nabadiidka.
Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo sheegayaan in dhibanaha uu dhaawaca ugu daran ka soo gaaray madaxa, ayna dhakhaatiirtu la tacaalayaan xaaladiisa caafimaad.
Waxaan jirin cid sheegatay tallaabada galabta lagu dhaawacay Xisaabiyaha Xawaaladda Dahabshiil ka tirsan. Sidoo kalana waxaan jirin wax war ah oo weli ka soo baxay Maamulka Xawaaladda.
Inta badan hay’adaha amniga Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu dhaliilaa inaanay gacanta ku soo dhigin ragga bistooladaha la cararaaya, isla-markanana dhibaatada kaga gaysanaaya Caasimadda.