

Dhegeysi
XISBIGA KULAN OO BUUG TACSI U FARAY MARXUUM MUXYADIIN MAXAMED XAAJI IBRAAHIM(DAAWO SAWRIO)
La Qoray
6 years agoon
Waxaa Qoray
Star FMWARSAXAAFADEED
(Muqdisho, 19-Febaraayo-2015) Maanta waxay ku aadan tahay sanad guuradii Xisbiga kulan balse ayaa ku badalay howlo baroor diiq ah oo lagu barooranayo Gudoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga waxaana ka mid ah in Xisbiga Kulan uu u furay Buug Tacsi Marxuum Muxyaddiin Maxamed Xaaji Ibraahim, Gudoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan, iyadoo uu ka furmay Xaruunta Dhexe iyo Laamaha Xisbiga ee gudaha Dalka iyo Dibadda. Marxuumka ayaa maalintii isniinta 15/02/2016 Lugu dilay Qarax loogu xiray gaarigiisa Agaagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho. Buuga Tacsida ayaa Ugu horeyn waxaa qoray oo saxiixay Gudoomiyaha Xisbiga, Gudooomiyayaasha, Wakiilada Xisbiyo gaaraya 13 Xisbi iyo Hogaanka iyo Xubnaha Xisbiga Kulan.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulan C/qaadir Barnaamij ayaa ugu horeyn ka warbixiyay Taariikhdii Marxuumka, sidoo kalana tilmaamay qiimaha uu ugu fadhiyay xisbiga Kulan iyo xisbiyada soomaaliyeed iyo guud ahaan ummmada Soomaaliyeed Marxuumka oo ka mid ahaa aasaasayaasha Xisbiga Kulan iyo Gudoomiyihii Golaha Dhexe ee Xisbiga, oo horeyna u soo qabtay jagooyinka Wasiir difaaca Soomaaliya, hore iyo Wasiir ku xigeenka Qorsheynta , Xildhibaan, Howlwadeen Wasaarada Maaliyada, Howl wadeen Wasaarada Waxbarashada, Garsoore kubadda Cagta.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulan C/qaadir Barnaamij ayaa daboolka ka qaaday in Buuga Tacsida uu furnaan doono Xarunta Dhexe ee Xisbiga 15 Cisho oo ka bilaambaysa 18/02/2016 kuna eg 03/03/2016 oo loo sameyn doono Marxuumka Baroordiiq taasoo arimahan oo lagu badalay Xafladii Sanad Guurada Xisbiga oo ku aadan 19/02/2016, waxaa sidoo kalana laga furi doono Buug tacsi dhamaan goobaha ay ku sugan yihiin Xubnaha Xisbiga Kulan Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa, laguna soo gabagabeyn doono Xaflad Baroordiiq ah oo lagu qaban doono Muqdisho
Gudoomiye Saciid Qoorsheel (Wasiir hore) ayaa ka hadlay xiriirka kala dhexeeyay Marxuum Muxyaddiin isagoo yiri “ Wuxuu ahaa nin oday ah oo siyaasi ah, waxan si gaara isugu niqiin Isboortiga oo uu ahaa Garsoore halka walaalkiis uu ahaa Tababare Qaran”
Eng Axmed Macalin Fiqi ayaa ka aqriyay Dhanbaal Tacsi ah oo uu soo diray Xisbiga Daljir, sidoo kalana tilmaamay Xanuunka ay leedahay Dilka Marxuum Muxyaddiin, isagoo tilmaamay in ay kuwo cadow ku ah Shacabka Soomaaliyeed
Buugta Tacsida ayaa waxaa bilaabay ugu horeyntii Gudoomiyaha Xisbiga Kulan C/qaadir Maxamed Cusmaan-Barnamij- iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Muxyadiin Cali Yusuf Gudoomiyaha Xisbiga Ileys ahna Gudoomiyaha Golaha Xisbiyada Soomaaliyeed, Saciid Jaamac Qorsheel Gudoomiyaha Midowga Soomaaliya (USP), Eng. Axmed Macalim Fiqi Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir, Zakariya Maxamuud Xaaji Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Ummah, C/laahi Sh. Daahir Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuquraadiyada(SPDU), Dr Yusuf Cusmaan maxamed (Shimbir) Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Qaranka Soomaaliyeed(SONUP), Dr Xasan Cadbi Khaliif Gudoomiyaha Xisbiga Shaqsiyada iyo Wadaniaydda.
Waxaa kale oo saxiixay Buuga tacsida Faarax Salaad Dharaar Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka Soomaaliyeed, Dr Cali Cumar Abati Xoghayaha Arimaha Dibadda iyo Iksaahsiga ee Xisbiga SNU(Somali natioanla Unity), Salaad Maxamed Sabriye Gudoomiyaha Xisbiga Wadaniyiinta Soomaaliyeed, Suufi C/raxiim Muumin Gudoomiyaha Xisbiga Isbahaysiga Isbdaldoonka Soomaaliyeed, C/laahi Cumar Faarax Xoghayaha Warfaafinta Xibsiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed, Marwo Safiyo Maxamed Cali Xoghayaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Dadka Soomaaliyeed, Yasiin Warsame Cabdi oo wakiil ka ah Hay’adda Marqaati.
Sidoo kale waxaa saxiixay Buuga tacsida kuna qoray hadalo xusuus ah Hogaanka Xisbiga Kulan oo ay ka mid yihiiin Gudoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Canab C/laaahi Xaashi, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Prof Maxamed Macalim Cumar Meyre, C/ladiif Sadaq Yusuf Gudoomiyaha Garabka Ardayda Xisbiga Kulan, C/laahi, iyo Xubnihii Xisbiga.
Waxaa xusid mudan maalintii kowaad waxaa ku reebay oo ku qoray xusuustooda tacsida boqolaal qof oo isugu jira , Hogaanka Xisbiga, Hogaamiyaasha Xisbiayda, Bulshada Rayidka iyo xubnaha xisbiga Kulan.
Taariikhda Marxuum Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim Gudoomiyahii Golaha Dhexe ee Xisbiga
Magaca : Muxyaddiin Maxamed Xaaji Ibraahim
Dhashay : Isniin 12/10/1953 Geeriyooday : Isniin 15/02/2016
Ku dhashay : Muqdisho
Xaalada Bulsho : Xaasle Dhalay 6 Caruur ah, Awoow u ahaa caruur kale.
Waxbrasho :
– Master Xiriirka Caalamiga iyo Diplomasiyada , Kampala University .. wuu waday
– BA : Kuliyada Siyaasada iyo Saxaafada , Jaamacada Ummada 1987
– Tababarka Macalinimo “Mac-had Almucalimiin, ee Jamal Cabdi Nasir 1973-1975
Khibrad Shaqo :-
– Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulan 20/02/2016 – ilaa uu ka geeriyooday
– Wasiirka Difaaca (TFG) 2008
– Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorshynta iyo Iskaashiga Caalamiga (TNG) 2000-2003
– Wasiiru Dowlaha Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga (TNG) 2003-2004
– Xubin Baarlamaankii Carta(TNG) 2000
– Macalin Wasaarada Waxbarshada – Hiiraan & Muqdisho 1975-1979
– Garsoore Kubadda Cagta 1975 -1983
– Madax Waxbarashada Dadka waaweyn ( Iskuulada H.wadaag & Hodan) 1980-1982
– Agaasimaha Waxrashada dadban wasaarada Waxbarashada 1983-1985
– Agaasimaha Canshuuraha Dadban ee Degmada Shibis , Wasaarada Maaliyada & Lacagta 1987-1989
– Agaasimaha Canshuuraha Dadban ee Degmada Hodan, Wasaarada Maaliyada & lacagta 1989-1990.
– Gudoomiyaha Hay’adda Dirir ee Gargaarka & Horumarinta 1995-1994
– La taliya Hay’adda Somali Women Empowerment (SOCWE) 2005-2007
– Tifatire Wargeyska Somali Herald 2006
–DHAMAAD–
LAGA YAABO INAAD JECESHAHAY
Dhegeysi
DHAGEYSI:- WARKA HABEEN STARFM 13.FEB.2022
La Qoray
6 months agoon
Feb 13, 2022Waxaa Qoray
Mowliid coutinho
TABINTA IYO SOOSAARIDDA WARKA HABEEN (fARTUUN AAMUSANE )
FARSAMADDA (MOWLIID AHMED NUUR).
Barnaamijyada
DHAGEYSI:- Barnaamijka Saaka Iyo Starfm
La Qoray
6 months agoon
Feb 13, 2022Waxaa Qoray
Mowliid coutinho
TABINTA IYO SOOSAARIDDA BARNAMIJKA (CABDI RAXMAAN MUKHTAAR)
FARSAMADDA (MOWLIID AHMED NUUR).
Dhegeysi
Fariinta Wacyigelinta ka hortaga Askareynta Caruuta
La Qoray
6 months agoon
Feb 11, 2022Waxaa Qoray
Abdi Risaq Afrika
Fariintaan ayaa waxaa ay kaaga timid Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubaland waxaana ay xambaarsantahay Fariin Wacyigelin u ah bulshada Soomaaliyeed kuna saabsan ka hortaga Askareynta Caruurta aan qaangaarin. Wasaaradda ayaa amraysa cid waliba oo ay quseyso in ay ka foojignaato Askareynta caruurta aanan qaangaarin.
Halkaan hoose ka dhageyso Fariinta Wacyigelinta ka hortaga askareynta Caruurta.


Xasan Sheekh Oo Maanta Kulan Laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka.

Guddiga Wada Diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Dowladda oo Su’aalo Weeydiiyay Wasiir Beyle

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Magacaabis sameeyay

Ergeyga Gaarka Ah Ee Gurmadka Abaaraha Iyo Wafdi La Socday Oo Gaaray Buulo-Burte

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Taliye Ka Tirsan Puntland Oo La Dilay Isaga Oo Howlgal Ku Jiray

Ciidamada Amaanka Puntland Oo Sameeyey Howlgal Lagu Xaqiijinaayo Amniga Garawe.

Dagaal Khasaaro Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

Golaha Shacabka Oo Maanta Villa Hargeysa Kuyeelanaayo kulan.

Muuse Biixi Oo Gaaray Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Aadan Madoobe Oo Shaaciyay In La Magacaabayo Guddi KMG Oo Ka Kooban Labada Aqal.

Soomaaliya & Talyaaniga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Akhriso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho

Xildhibaanada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Maanta Kulan Yeelanaya & Ajendihiisa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay Wasaaradda Gaashaandhigga lana kulmay Saraakiisha Ciidamada

Xukuumadda Oo Kordhisay Lacagaha Laga Qaadayo Xujeyda Soomaaliyeed.

Maamulka G/Banaadir & Hay’adaha Amniga Oo Ka Shiray Amniga Caleemo-saarka Madaxweynaha JFS.

Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta Fagaaro Ku Toogtay Nin Haweeneey Dilay

Wafdi Ka Qeyb Galaya Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo Gaaray Muqdisho

Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysan jirtay.

Ciidanka dowlada soomalia oo howlgal qorsheysan ka fuliyay dagmada buur hakaba ee gobalka Bay

Wafdi Ka Socda dowlada Somalia Oo Maanta Ka Qeyb Galaya Shirka Midowga Afrika Oo Furmaya

Wasiirka maaliyada xukumada soomalia Oo UK Kala Hadlay Taageerada Dib-U-Habeynta Hannaanka Dhaqaalaha Dalka

Xildhibaan sheegay in Muqdisho laga wado abaabulka qorshe xilka looga tuurayo Laftagareen

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”


Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town
