Qaar ka mid ah saxaafada Ingiriiska ayaa siweyn u hadal heyn in kooxda Arsenal ay xagaaga dambe ku guuleesan doonto saxiixa Alvaro Morata oo weerarka kaga cayaaro naadiga Juventus.
Waxaa la isku raacay in Morata uu dooran doono ku biiritaanka Arsenal marba kooxda Real Madrid oo suuqa Yurub mudo sanad ah laga ganaaxay aysan xidigan xagaaga dambe dib u ceshan karin.
Hadaba agaasimaha kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa arinkan ka aamusi waayay wuxuuna xaqiijiyay in kooxdiisa marnaba Morata iibin doonin.
Giuseppe Marotta wuxuu yiri “Wax xiiso ah naguma hayaan inaan Real Madrid ama kooxo kale kala hadalno mustaqbalka Morata”
“Marnaba maamul ahaan kuma fikirin inaan Morata iibino, wuxuu qayb ka yahay xidigaha laf dhabarka ah ee Juve ku dhisan tahay”
“Waa xidig dhalin yar sidoo kalena hormar wanaagsan sameenayo waxaana naga go’aan ah xidigaha Morata oo kale inaan marnaba fasixin”
Weeraryahanka reer Spain xili cayaareedkii hore asiga ayaa sabab u ahaa in Juve ay soo gaarto kama dambeysta koobka horyaalada Yurub.
Balse Morata xili cayaareedkan xaalka ayaa ku xun madaama macalin Maxi Allegri uu xidigan ka door biday xili cayaareedkan xidigaha kala ah Paulo Dybala iyo Mario Mandzukic.