Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa weerar madaafiic loo adeegsaday ku weeraray Xerada Ciidanka Amisom ku lee yihiin Deegaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Saacadihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa Deegaankaasi gil gilay madaafiic xoog badan oo Shabaabku ay ka soo tuureen masaafo fog, waxayna madaafiicdu saameysay Leego.
Madaafiicdan, ayaa ku soo daatay xeendaabka Xerada Amisom, lamana soo sheegin wax madaafiic ah oo gudaha ugu dhacday Xeradaasi. Sidoo kalana ma jirto khasaaro la sheegay in Amisom ka soo gaartay.
C/qaadir C/raxmaan Baraf oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Dowladda Ee Deegaanka Leego, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda & Amisom, ay gaareen goobtii ay madaafiicda ka soo tuureen Shabaabka, waxayna ka helayn buu yiri laba madfac oo middi aan qarxin.
Baraf waxa kaloo uu sheegay Amisom inay ogaatay madaafiicda lagu soo weeraray inay yihiin, kuwii looga furtay weeraradii ay Shabaabku ku qaadeen Xeryaha Amisom ku lee dahay Leego & Janaale.
Gudoomiyaha Deegaanka Leego, Abuukar C/laahi Isaaq (Al Cadaala), ayaa dhinaciisa Warbaahinta u sheegay madaafiicdaasi in saamayn ku yeelatay Deegaankiiisa, laakiin aynaan jirin cid ku wax ku noqotay.
Ururka Al Shabaab, ayaa la rumeysan yahay in weerarada Xeryaha Amisom ay ku qabsadeen qoriga ridada dheer ee BM-ka, inkastoo aan weli la soo sheegin wax weerar ah, oo ay u adeegsadeen.