Ka dib markii shacabka Somaliyeed ay buun wayn ku yeeriyeen Madaxda Dowladda Somaliya, sida ay kaga aamusan yihiin duqeymaha ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka wadaan Gobolka Gedo, ayaa waxaa ka hadashay Xukuumadda.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo boorka iska jafay, ayaa waxaa uu daboolka ka qaaday inay Kenya kala hadlaan duqeymaha, ayna ugu yeereen inay joojiso, isagoo intaa ku daray inay amuurtaasi u magacaabeen Guddi.
“Waan kala hadalnay Kenya inay joojiso duqeymaha ay ka wado Gobolada Wadanka qaarkood, waxaana arrintaasi u xil saarnay Guddi soo qiimeeya duqeymaha ka dhacay Gobolka Gedo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa cadeeyay in Guddiga xaqiiqo raadinta ay taggi doonaan Degmada Ceelcadde, oo ah halka ugu badan ay garaaceen diyaaradaha Kenya, inkastoo aanay kala cadayn sida ay ku taggi karayaan Ceelcadde, maadaama ay Al Shabaab dib ula wareegtay.
“Guddi xaqiiqo raadin ah ayaa tegaya Degmada Ceelcadde, waxaana hogaaminaya Wasiirka Gaashaandhigga si ay u soo qiimeeyaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Ceelcadde.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta Dowladda.
Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa yiri “Sida aad ogtihiin Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah Amisom, way isaga baxeen Degmada Ceelcadde, waxaana qorsheynaynaa in Guddiga ay goor dhow gaaraan Ceelcadde.”
Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa 2-dii toddobaad ee ugu dambeysay waxay dhaleecayn xoog lihi ay kala kulmeen bulshada, markii ay ka gaabiyeen inay ka hadlaan dad aan waxba galabsan oo Kenya ay ku leysay Gobolkaasi Gedo.