Xukuumadda Somaliya ayaa Baarlamaanka waxa ay horgeyn doontaa Qodobo ka mid ah Dastuurka KMG ee dalka Somaliya oo Dib u eegis lagu sameeyay.
Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u eegista Dastuurka Somaliya iyo Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka, ayaa ka shaqeeyay 10 Qodob oo ka mid ah Qodobada ku jira Dastuurka Somaliya oo Dib u eegis lagu sameeyay.
Afhayeenka Xukuumadda Somaliya C/salaan Axmed Caato, ayaa sheegay Guddiga Madaxa Banaan ee Dastuurka ay Sharaxaad ka bixiyeen 10 Qodob oo Dib u eegis lagu sameeyay.
“Shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha Wasiirada, uuna shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixinno looga dhageystay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka iyo guddiga dastuurka ee Baarlamaanka, iyagoo golaha ka hor sharaxay 10 qodob, oo ay ku jiraan kuwa farsamo, halka kuwa Siyaadda dib loogu noqon doono, si looga qeyb geliyo dowlad goboleedyada dalka ka jira” ayuu yiri Cabdi salaan Caato.
Ka hor inta aanan la horgeyn Baarlamaanka Somaliya, waxaa laga tala gelin doonaa Maamul Goboledyada dalka ka jira, kuwaasi oo aragtidooda ku biirin doono, ugu dambeyna waxaa la horgeyn doonaa Baarlamaanka Somaliya.
Dastuurka Somaliya oo hada ah mid KMG ah, ayaa u baahan Afti dadweyne si uu noqdo Dastuur sax ah oo dalka uu leeyahay.