Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqday natiijo horu dhac ah oo ku saabsan baaritaankii Diyaaradda Daallo Airline, kadib markii 2-dii bishan uu gudaha Diyaaradda ka dhex dhacay qarax.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali oo shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada ayaa sheegay in cilad farsamo aanay aheyn waxa ku dhacay Diyaaradda Daallo, balse ay aheyd qarax ula kac ah.
“Waxaa dooneynaa inaan idinla wadaagno natiijada ka soo baxday baaritaanka qaraxii diyaaradda Daallo Airline, markii hore tuhumo ayaa jiray, waana baareynay, waxaa idin sheegeynaa in diyaaraddaas ku socotay Jabuuti oo siday 74 rakaab ah iyo todobo shaqaale ah in loo adeegsaday walxo qarxa”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jangali.
Mr Jangali ayaa sheegay inuu wali socdo baaritaanka, isla markaana natiijadan ay tahay mid horu dhac, waxaana uu xusay in baaritaanka ay ka qeyb qaateen qubaro Soomaali iyo kuwa caalami ah.
“Baaritaanada dheeraadka ah waxa ka qeyb qaatay Khubaro Soomaali iyo kuwa Caalami ah, waxaa idin xaqiijineynaa in waxa ka dhacay uusan aheyn cilad farsamo, balse uu ahaa qarax loogu tala galay in lagu waxyeeleeyo diyaarada iyo rakaabkii saarnaa, Ciidamada Amniga waxay gacanta ku dhigeen dad ku lug lahaa qaraxa diyaadaha ka dhacay”ayuu yiri Mr Jangali.
Sidoo kale Wasiirka ayaa ku wargeliyay dadka ka dhoofa, kana soo dega Garoonka diyaaradaha in lagu soo kordhiyay garoonka tallaabooyinka amniga lagu adkeynayo, isagoo ugu baaqay shacabka in Hey’adaha ammaanka gacan ku siiyaan sugida amniga.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in maado qarax loo adeegsaday, isagoo xusay in baaritaanka uu qaatay muddo, ayna u kala qaadeen labo nooc, isagoo xusay inay arrintan ay aheyd fal argagixiso.
Dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada ayaa ka gaabsaday inuu cadeeya waxa ay tahay qaraxa loo adeegsaday diyaarada, isagoo xusay inay dib ka soo sheegi doonaan waxyaabo kale, maadaama uu wali socdo baaritaanka.
Wararka ayaa sheegaya in walxo qarxa oo la soo geliyay Laptop loo adeegsaday, iyadoo laamaha ammaanka dowladda ay arrintan u xir xireen dad dhowr ah oo ay ku jireen saraakiil ka shaqeynayay Garoonka diyaaradaha.
Nin 55 jir ah oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda, kaasoo diyaaradda ka dhacay, meydkiisana laga helay agagaarka degmada Balcad, ayaa la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerarka, kaasoo goor dhoweyd dowladda Soomaaaliya magaciisa shaacisay.
Rakaabkii saarnaa diyaaradda Daallo ayaa ahaa rakaab ay laheyd diyaarada Turkish Airways oo labo maalmood baaqatay, kadib markii arrimo amni dib ugu dhacday sida ay xaqiijiyeen ilo ku sugan garoonka.
Labo ruux oo ka mid ahaa rakaabkii diyaarada ayaa ku dhaawacmay qaraxa ka dhex dhacay gudaha Diyaaradda.
Diyaaradda Daallo ayaa deg deg dib ugu soo laabatay garoonka diyaaradaha, markii 30-daqiiqo hawada ku jirtay, waxaana diyaarada soo degtay, iyadoo uu ka muuqday duleel weyn