Saldhig cusub oo boolis, ayaa waxaa maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho, si loogu xoojiyo amniga guud ee Garoonka.
Taliska Ciidanka Amisom, ayaa saldhigan ka hirgeliyay gudaha Garoonka Aadan Cadde, iyadoo uu gacan ka gaystay Xafiiska Qaramada Midoobe Ee Somaliya. Amisom waxay maanta si buuxdo saldhigaasi ugu wareejisay Taliska Booliska Somaliyeed, iyadoona uu kala wareegay General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Garoonka Aadan Cadde waxaa lagu qabtay munaasabad xariga looga jaraayay saldhigaasi cusub, waxaana xariga ka wada jaray Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Amniga, C/naasir Maxamed Cali iyo Wakiilka Midowga Afrika Ee Somaliya Ahna Madaxa Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Francisco Madeira.
General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, ayaa waxaa uu Amisom kaga mahadceliyay saldhiga cusub, ee dhismahiisu ay ka hirgeliyeen Garoonka Aadan Cadde.
Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, Anand Pillay, ayaa Beesha Caalamka kaga mahadceliyay inay fududeysay dhismaha saldhiga, halka Amisom ay qalabayn ku sameysay saldhiga laga furay Garoonka.
C/naasir Maxamed Cali, ayaa Beesha Caalamka iyo Amisom ugu baaqay inay Somaliya ka caawiyaan, dadaalada ay ugu jirto, sidii ay u xoojin laheyd ammaanka dalka.
Dowladda Somaliya, ayaa waxay wadaa dadaalo ay ku dooneyso inay wax kaga bedesho ammaanka Garoonka Aadan Cadde, meeshana looga saaro suurtagalnimada in la beegsado diyaaradaha.
Tan iyo markii Talaadadii qarax wayn laga dhex maqlay diyaaradda Daallo Airlines, ayaa waxay Dowladdu bilowday inay wax ka bedesho hannaanka amni ee Garoonka Magaalada Muqdisho.









