Muuqaalo
Kenya oo sheegtay in wada hadal ku saabsan muranka badda uu u socdo Somalia
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa shaaca ka qaaday in wada hadal ku saabsan muranka xuduuda Badda uu u socdo Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo dacwada ku saabsan muranka xuduudka Badda ee labada dal uu xilligan yaallo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.
Monica Juma ayaa sheegtay inay raadinayaan waddooyin kale oo lagu xalinayo arrintan, iyadoo ka dhawaajisay in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu wada hadal u socdo.
“Dabcan, dal kasta wuxuu xaq u leeyahay tallaabooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay Maxkamadda socota, waxaan weli raadineynaa dariiqooyin kale, Waxaa wada hadal noo socdaa dowladda Soomaaliya, waxaanan rajeynaynaa inaan gaarno heshiis”ayay tiri Monia Juma oo wareysi siisay Wargeyska New African Magazine oo wax laga weydiiyay arrinta muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya.
Wasiirada ayaa sheegtay inuu jiray heshiis is faham oo u dhaxeeyay iyaga iyo Soomaaliya, balse arrinta muranka badda markii dambe Maxkamad ay tagtay, waxaana horay u jiray in labada dal ay kala doortaan in Maxkamad ay ku kala baxaan iyo inay wada hadal ka galaan, hase ahaatee dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysatay in Maxkamad lagu kala baxo.
Arrintan ayaa shaki la’aan dharbaaxo ku noqon karta doonta dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo aan ka hadlin arrinta muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya inta ay xafiiska timid.
Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xilligan ah mid aad u wanaagsan, waxaana dadka odorasa siyaasadda ay ku tilmaamaan inuu yahay, xilligii u fiicnaa ee sanadahan dambe.
Barnaamijyo Isbuucle
Maalinta Bandhiga iyo Wacyigelinta HornAgro
Muuqaalo
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Oo maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley.
Muuqaalo
Madaxweynaha Oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon.
-
News In English2 years ago
Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.
-
Wararka5 months ago
Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love
-
Wararka7 months ago
Latest News: House Sale Contract Signed, Operating Agreement and Amendment, Announcement about Rental Agreement Crossword Clue, Custody Agreement in Maryland, Rollover Agreement Template, Agreement 1980 MP3, Divorce Settlement Agreement South Africa Template, Tax Definition Agreement, Latest Prenuptial Agreement Sample Philippines, Volume Based Discount Agreement
-
Barnaamijyada2 years ago
DHAGEYSO:-Barnaamijka Barqo-Wanaagsan