Wararka
Wararkii Ugu dambeeyay Dagaalyahandii Shabaab ee gaaray Deegaanada Maamulka Puntiland
Wararka ka imaanaya Gobolada Mudug iyo Nugaal gaar ahaan dhulka ku yaala xeebaha ayaa sheegaya in ay dadka ku dhaqan goobahaasi ay lasoo daristay cabsi xoogan ayna ka walaacsan yihiin Shabaabka tirada badan ee deegaanadaasi kusoo jabay.
Dadka ayaa ah kuwa aad u hadal haya sheekada ku saabsan Dagaalyahanada Al-Shabaab ee doomanka ku gaaray Deegaano badan oo gacanta ugu jira maamulka Puntiland, waxa ayna dagaalyahanadan ku dhax lugeenayaan gudaha deegaanada ay tageen.
Wali lama sheegin wax dhibaato ah ay dadka u geesteen Shabaabka gaaray deegaano badan oo katirsan dhulka uu ka taliyo maamulka Puntiland , waxa ayna dadka ku wargalinayaan in ay is dajiyaan ayna kasii gudbayaan deegaanadooda.
Maamulka Puntiland ayaan wali qaadin wax tilaabo ah oo ku aadan Shabaabka deegaanadooda kusoo faafay, waxaana masuuliyiinta maamulkaasi kaliya ay qaadeen tilaabo ah in ay Warbaahinta ka hadlaan ayna jeediyaan eedeyn.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Dagaalyahanada Shabaab ee gaaray Deegaanada Puntiland ayaa sheegay in xalay qaarkood ay ku hoydeen degmada Bandar-bayla ee Gobolka Bari, halka dagaalyahanada kalana iyaguna ku hoydeen deegaano kale.
Dagaalyahanada Al-Shabaab oo u kala qeybsan dhoor kooxood ayaa ku socda jihooyin kala duwan, walina ma cada goobta rasmiga ah ee ku wajahan yihiin dagaalyahanadan iyo waliba ujeedka ay u gaareen deegaanada Puntiland.
Al-Shabaab wali kama hadlin dagaalyahanadan kooxdooda katirsan ee gaaray Deegaanada maamulka Puntiland, waxaana soo baxaya warar sheegaya in dagaalyahanadan ay yihiin kuwa taageersan dagaalyahanadii dhawaan Shabaab ka go’ay ee sheegay in ay ku biireen Daacish kuna sugan buuraha Galgala.
Xaalada Puntiland ayaa u muuqata mid kacsan, waxaana dadku ka cabsi qabaa waxa ay la imaan kara dagaalyahnadan tirada badan ee kasoo tagay koonfurta kuna soo jabay deegaanada uu ka arimiyo maamulka Puntiland.
Wararka
Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada XFS.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare XFS, Wasaaradda Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah XFS ,Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta,iyo sidoo kale Xubno ka socday Jamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa Magaalada Trieste ee Dalka Talyaaniga kaga qeyb galay Shir looga hadlaayay ,Magaaleynta taariikhda dhaqanka ee Muqdisho ,Dhaqaalaha badda ee rajada horumarka ee Soomaaliya,
Iyo Wax ka qabashada Caqabadaha Magaalada, Dhaqaalaha, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Caafimaadka Bulshada.
Shirka oo Socday muddo sedax Cisho ah
Waxaa Soo qabanqaabiyay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi
Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa Xariga ka jaray bandhig sawireedkii hore ee Muqdisho iyo horumarkeeda taariikheed ee Magaalo ahaan Waxa uuna ka Sheekeeyay Guddoomiyaha Xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda talyaaniga iyo Dowladda Soomaaliya ay leeyahiin loona baahanyahy ayuu yari’ in la soo nooleeyo Taariikhayadii barisamaadkii hore, xarig Jarkaan bandhig sawireedkii hore waxa uu xasuuus gaar ah galinayaa waaya joogii hore ee Soomaaliya;
Ugudanbeeyntii guddoomiyaha waxa uu si gaar ah ugu Mahadceliyay Jaaliyadda soomaaliyeed ee soo qaban qaabisay shirkaan oo u ugu Horeeyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi.
DHAMAAAD
Wararka
Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya
u qaabilsan Geeska Afrika Mudane Vladimir Orlié oo maanta soo gaaray Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Seerbiya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo Ergeyga ka guddoomay dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Seerbiya Mudane Aleksandar Vučić, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Seerbiya garab istaagga iyo taageerada ay u muujisay Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska ciidanka Qaranka oo xilligaan muhiim u ah dalka.
Dhankiisana, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya ee Geeska Afrika ayaa ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, waxa uuna xusay miro-dhalka dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo deegaannada laga xoreeyey.
Barnaamijyo Isbuucle
Maalinta Suuqgeynta ee Shirkada HornAgro
-
News In English2 years ago
Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.
-
Wararka4 months ago
Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love
-
Wararka3 years ago
Duqeyn Dhanka Cirka Ah Oo Ka Dhacday Gobolka Mudug.
-
Wararka6 months ago
Latest News: House Sale Contract Signed, Operating Agreement and Amendment, Announcement about Rental Agreement Crossword Clue, Custody Agreement in Maryland, Rollover Agreement Template, Agreement 1980 MP3, Divorce Settlement Agreement South Africa Template, Tax Definition Agreement, Latest Prenuptial Agreement Sample Philippines, Volume Based Discount Agreement