Muuqaalo
Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ku dilay xubno Shabaab ah
Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn ka dhacday Duleedka Magaalada Muqdisho oo ay geysteen Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee Africom ayaa lagu sheegay in Gantaalo lagu dhuftay Meel Qiyaastii 30 Mile Muqdisho uga toosan Koofur Galbeed.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Duqeynta lagu dilay 12 Kamid ah Dagaalyahanada Shabaab oo ku sugnaa Goobta diyaaradaha ay Bartilmaameedsadeen, Waxa ay sidoo kale sheegeen in Weerarka ay kaalin ka qaateen Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee Dowladda Somaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay iney qiimeyn ku sameysay bal in dad Shacab ah ay khasaare ka soo gaartay Duqeynta, Iyagoo sheegay ineysan jirin Cid Shacab ah oo waxyeelo ay soo gaartay.
Mareykanka ayaa sheegay iney sii wadayaan Weerarada ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada, ayna u adeegsanayaan Awood kasta si meesha looga saaro, Loona ilaaliyo Muwaadiniinta Mareykanka ah ee Gobolka ku sugan.
Waxa ay sheegeen in meelaha ay beegsadaan ay yihiin Saldhigyada iyo Xerooyinka ay Ciidankooda ku tababartaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Daacish.
Barnaamijyo Isbuucle
Maalinta Bandhiga iyo Wacyigelinta HornAgro
Muuqaalo
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Oo maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley.
Muuqaalo
Madaxweynaha Oo Ubax dhigay Taalada Daljirka Daahsoon.
-
News In English2 years ago
Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.
-
Wararka5 months ago
Dating Advice for Singles: How to Increase your chances of Finding Love
-
Wararka7 months ago
Latest News: House Sale Contract Signed, Operating Agreement and Amendment, Announcement about Rental Agreement Crossword Clue, Custody Agreement in Maryland, Rollover Agreement Template, Agreement 1980 MP3, Divorce Settlement Agreement South Africa Template, Tax Definition Agreement, Latest Prenuptial Agreement Sample Philippines, Volume Based Discount Agreement
-
Barnaamijyada2 years ago
DHAGEYSO:-Barnaamijka Barqo-Wanaagsan